Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

April 21st, 2011 Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Maamuleyaasha sar sare ee Shirkadda Isgaadhsiinta TELESOM, ayaa maanta markii u horraysay ka hadlay asbaabaha dhaliyay inay dib uga noqdaan qandaraaskii la wada siiyay shirkada Dahabshiil ee dhismaha warshadii Sibidhka ee Saaxil.

April 21st, [SlideDeck id=’1950′ width=’100%’ height=’370px’]
Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Maamuleyaasha sar sare ee Shirkadda Isgaadhsiinta TELESOM, ayaa maanta markii u horraysay ka hadlay asbaabaha dhaliyay inay dib uga noqdaan qandaraaskii la wada siiyay shirkada Dahabshiil ee dhismaha warshadii Sibidhka ee Saaxil.

Masuuliyiinta shirkada Telesom waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xaruntooda waxaanay kaga hadleen xeerka Isgaadhsiinta ee dhawaan Golaha Wakiiladdu ansixiyeen oo ay ku tilmaameen mid ay ku jiraan qodobo badan oo ka hor imanaya shareecadda Islaamka, Ganacsiga suuqa xorta ah iyo Qodobo ka mid ah dastuurka Somaliland.
Madaxa Qeybta IIbka ee shirkada TELESOM C/Wahaab Maax Maxamuud, oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaan weydiiyay sababta shirkadiisu uga noqotay mashruuca maal gelinta warshada sibidhka Berbera ee qandaraaska wada jirka ah lagu siiyay iyaga iyo shirkada Dahabshiil, waxaanu yidhi “Waxa jirtay in dad horena la siiyey inay maalgashadaan warshadaasi, haddaba anaga oo qadarinayna aragtida macaamiishadayada iyo aragtida dadka maalgashadayaasha ee Shiradayadan maal-gashaday oo kun qof ka badan, kana cararayna in ay dalka ka abuurto dagaal iyo isku dhac dhawaale oo bushada wax weeli kara halkii uu waxa ugu soo kordhin lahaa,”ayuu yidhi Madaxa qeybta iibka ee shirkada isgaadhsiinta Telesom C/Wahaab Maax Maxamuud. Waxaanu intaasi ku daray “Waxa anaga iyo shirkadda Dahabshiil ruqsad nala wada siiyey in aanu wada maal gashano wersahda Shibidhka ee Berbera, oo loo bixiyey Saaxil (Cement Foctory) ka dib markii Ruqsadaas la bixyey waxa uu buuq aad u xoogan ka soo yeedhay Bulshada reer Somaliland, oo si toos ah iyo si dad-banba ugu qalisay ruqsadaas nala siiyey.Waxaanu door bidnay in aanaan anagu qayb ka noqon dhibtaas, waxaana dooranay in aanu ku shaqayno sida ay ku jirto wanaaga iyo dana qaranku.”

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com