Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

21/4/2011 (maantasomaliland)Guddoomiyaha urur siyasadeedka PDP(Ismaaciil Aadan Cismaan ) waa muwaadin reer S/land ah oo ku dhashay,kuna barbaaray magaalada Hargeysa ,kana soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee S/land xilal kal duwan illaa uu ka gaadhay heer wasiir,weligiina xamar ma deign ,hungurina uma qaban wax xamar yaalla ;w/qoray cabdirisaaq cabdilaahi wayrax.

Maqaal uu qoray wargeyska SAXANSAXO cadadkiisii shalay kuna taariikhaysanaa :vol:5,tirsiga 1223 ,arbaca April20 ,2011 kaas oo cinwaankiisu ahaa: maxay wadaagaan urur siyaasadeed laga abaabulayo Hargeysa iyo xisbi lagaga dhawaaqay Muqdisho

Sheekaba sheekay keentaaye waxa layidhi waagii saancadaalihii ingiriis uu carriga Somaliland gumaysan jiray ayaa waxa la dilay nin la odhan jiray Giib (Sir Gibb ) oo ingiriis ahaa, ninkaas dilkiisa waa la garan waayey cid ka dambeysay oo dishay.

Muddo markay ka soo wareegtay ayaa habeen heel cayaareed la isugu baxay oo sidii dhaqanka soomaalidu ahaan jiray jiibta iyo jaanta la isla helay ayaa Ragga cayaarta ka soo qayb galay waxa ka mid ahaa basaasiin u shaqaysa Gumaystaha oo sirta iyo siyaasadda bulshada soomaalida u soo sheegta.

Nin ka mid ah dadkii soo ciyaar guday ee hammuunta qabay ayaa markuu mafsuuday ee cayaartii ay isku dubba dhacday ku daray heestii cayaarta isagoo gabdhaha u faanaya una muujinaya inuu yahay nin hore, markaasuu yidhi “ Allow gacanta ha I goyn

Ninkii Giib dilaan ahaye” Basaasiintii waxa ay isla markiiba ka faa’iidaysteen heestii uu ninkani tiriyey,warkiina waxay u gudbiyeen dawladii Ingiriiska oo la’ayd dilkii Giib meel ay u raacdo, ninkiina waxa uu noqday digaagaddii mindidii lagu qali lahaa lugaheeda kula soo baxday.

Mid sidaas ka dhigan baan arkaa oon ka daba u laabnayne,waxaan la yaabay ninka magaciisa la yidhaahdo Hanad Axmed Xaashi Caydiid oo ka tirsan dhalinyarada xisbiga Kulmiye ee xil sugayaasha ah maqaal uu ku qoray warsidaha SAXANSAXO kaas oo uu ku cambaareeyey furashada ururada siyaasadda.

Waxa uu maqaalkiisa ku tibaaxay in urur siyaasadeedka PDP (peace and development party uu yahay urur gacan saar la leh urur kale oo lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.

Malaha inanka aqoondaraa ka hadlinaysee bal aan wax yar ka tilmaamo waxa uu sheegayo.

Urur lamagac baxay ururka nabadgelyda iyo horumarka oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ah(civil society), kana shaqeeya siduu sheegay arrimaha nabad gelyada maadaama ay Muqdisho tahay goob aan xasilooni iyo degenaansho midnaba jirin ayaa lagaga dhawaaqay Soomaaliya.

Ururada bulshada iyo kuwa siyaasadduna waa labo wax oo kala duwan shaqona aan isku lahayn.

Ma ogtahay urur la yidhaahdo KULMIYE oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ah oo ka jira koonfurta Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, calaamada xisbiga KULMIYE oo kalena lehi in uu jiro kaas oo xataa astaantiisu ay tahay tan xisbiga qaranka ee KULMIYE.

Hadaba haddii aan anigu sida wiilkan cudur qabo oo xanuun igu jiro waxaan sidiisa oo kale ku cambaarayn lahaa xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE oo ah ka uu madaxweynaha jamhuuriyadda S/land ka soo baxay.

Laakiin anigu xaashaa lillaah ma buko sidiisa, mana ihi warside sida HANAD,Kulmiya-na waa xisbi qaran oo ka jira jamhuuriyadda S/land.

Waxaad ka heli kartaa mareegaha tebinta wararka iyo shabakadaha ku jira internetka oo ah:- www.anc.com.waxaan ka codsanayaa dhamaan akhristayasha in ay la socdaan oo u fiirsadaan sida ay u wadaaagaan magaca iyo astaantaba ururkaas xamar ka jira iyo xisbiga kulmiye.

Waxa kale oo aan rabaa in aan iftiimiyo maxaa HANAD ku kalifay in uu qoro maqaalkan?

Waxaan leeyahay waxa ku kalifay waa abaanduulihii dhalinyaradii 14/April/2011 qalalaasaha gelisay shir ay soo qabanqaabiyeen gidida ilaalinta xuquuqda siyaasiga ah ee muwaaddinka.

Waa wiilkii xataa kuwo sakhraansan oo wax soo cabbay keenay Hutel MAANSOOR.

Waxa habeenkaas ka dhacay meesha wax laga xishoodo oo aan qof damiir lehi ku dhaqaaqi Karin,waxa iska wada dul dhacay hooyooyinkii iyo odayaashii martida ahaa ee lagu casuumay shirka .

Waxa dhaawacan sidaanu warka ku haynno dad badan oo waayeel ah oo kala duwan.

Waxaan dadkii dhibtu ka soo gaadhay leeyahay uguna busharaynayaa in ay ogadaan gardaradii iyo gefkii lagula kacay ciddii ka dambaysay in uu kow ka yahay kan isagu badka is soo dhigay sidii Giib ninkii dilay.

Waxa intaa dheer waa ninkii ku dagaalamay maxkamadda dhexdeeda ee caayey xaakinkii maxkamda isaga oo rabay in khasab lagu damiinto eedaysanayaaashii, halkaasna waxa uu si xun ugu af lagaadeeyey xaakinkii.

Waxaan shaki ku jirin oo markhaati madoon ah in aanay jirin cid adiga koonfur iyo xamar kaaga dhaw.

Waad ku dhalatay waanay ku dhaleen oo waa abtiyashaa.

Guddoomiyaha urur siyasadeedka PDP(Ismaaciil Aadan Cismaan ) waa muwaadin reer S/land ah oo ku dhashay,kuna barbaaray magaalada Hargeysa ,kana soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee S/land xilal kal duwan illaa uu ka gaadhay heer wasiir,weligiina xamar ma deign ,hungurina uma qaban wax xamar yaalla.

Haddii uu guddoomiyaha KULMIYE kuugu ballan qaaday inaad noqondoonto xubinta u sharraxan dawladaha hoose,iska hubso waxa jira dad kale oo badan oo uu guddoomiyuhu sidaada oo kale u ballan qaadday kana soo jeeda beesha aad ka soo jeeddo sidaas awgeed waxaan ku leeyahay :”siddi sididaada mooyaane dhul u dhacaaga hubso”

Waxaan kugu la talinayaa marka uu hoggaamiyaha kulmiye kuu soo dhiibo wararka aan sal iyo raad toona lahayn ee aad ku qortay SAXANSAXO intaanad qaadan horta iska shaandhee, hadii kale waxa aad noqon doontaa sida dhidarkii xabaalaha qoday ee qudhunka uga dhaadhaacay,sidaad imikaba u dhex tagan tahay.

W/Qoray:CABDI RISAAQ C/Laahi Aw-Jaamac (Weyrax)

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com