Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Maaliyadda Somaliland ayaa joojiyay isku bedel agaasimaha Guud

Hargeysa, 21, April, 2011-(Berberanews)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa joojiyay isku bedel agaasimaha Guud Jaamac Axmed Maxamed Ku sammeeyey qaar ka mid ah saraakiisha waaxaha cashuuraha ee Wasaaradda.
[SlideDeck id=’1950′ width=’100%’ height=’370px’]
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Maaliyadda, ayaa todobaadkan soo saaray digreeto isku bedel uu ku sammeeyay madax-waaxeedyada goobaha dakhlo soo saar, taasoo uu ku sababeeyay inay ka dhalatay tallo ay soo saareen Guddi uu Madaxweyne-ku-xigeenku madax u yahay oo loo saaray inay ka soo taliyaan hoos u dhac dakhli oo ku yimi wasaaradda saddexdii billood ee u danbeeyay. Haseyeeshee Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo hawlo caafimaad ku jooga dalka Sucuudida, ayaa la sheegay inuu khadka telefoonka kula soo xidhiidhay agaasimaha, kuna wargeliyay inuu joojiyo tallaabada uu qaaday.

Ma jiro war rasmiya oo xaqiijiyay sababta Wasiirka Maaliyaddu u joojiyay isku-bedelka saraakiisha, balse tallaabadani waxay iftiiminaysaa hadal haynta khilaaf la sheegay inuu dhawaanahan dhex miranayay Wasiirka iyo Agaasimihiisa, taasoo laga cabsi qabo inuu sii kordho hoos u dhaca goobaha dakhli soo saar.

Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa Nuqulka Qoraalka uu Agaasimaha Guud isku bedelka ku sammeeyay madax-waaxeedyada cashuuraha iyo sababta uu u cuskaday, ayaa u qornaa sidan:-

“jeedo: kala bedel xilalka hoos ku qoran.
Wasaaradda Maaliyadda ee Dalkan dalkan Somaliland oo hada gashay sadex biloodlihii labaad 2aad ee sanadka 2011 (Second Quarter) ayaa is dhimay wax soo saarkii Dakhliga ee bilihii Jan-March 2011 iyadoo ay dhamaan shaqaalaha iyo Madaxda Wasaaraddu u dadaalayeen ayaa hadana ay dhacday in la gaadhi waayo halkii loo baahnaa. Qiimayntii la hor dhigay Golaha Wasiiradda iyo wada tashigii Dawladeed ee arrintaas ku saabsanaa oo loo saaray Guddi uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa soo saaray go’aamo wax ku ool ah sidii wax looga qaban lahaa hoos u dhaca Dakhliga.

Go’aankaas waxa ka mid ahaa olole cashuur ururineed in la qaado si wax soo saarka loo kordhiyo, ololahaas oo ay taariikhdu markay ahayd 19/04/2011 3-wasaaradood wadajir u qaadeen socona doona illaa muddo si loo helo Dakhligii loo baahnaa.
Hadaba, aniga oo arrintaas ka duulaya ayaan sameeyay isku bedel qaar ka mid ah Madaxda sar-sare ee ilaha dakhliga ee halbowlaha u ah Wasaaradda Maaliyadda. Aniga oo u arka inuu wax weyn soo kordhin doono isbedelkani

Hadaba, waxa la farayaa Madaxda hoos ku qoran inuu masuul kastaaba degdeg uga hawl galo meesha loo bedelay, xilkii hore u hayayna ku wareejiyo Masuulka bedelaya, sidoo kale waxa Madaxda warqadan. Ogaysiinta ku leh laga codsanayaa inay gacan buuxda ku siiyaan wixii kala gudboon Masuuliyiintaas si ay xilkooda u gutaan
Magacyada iyo meelaha loo bedelay
1. Maxamed Ducale Cali Ag/Cashuuraha /Berriga Agaasimaha Qorshaynta
2. Aadn Daa’uud Cigaal Agaasimaha Qorshaynta Agaasimaha W/C/berriga
3. Cali Axmed Bulbul Maamulaha K/berbera Isuduwaha G/Maroodi jeex ee C/berriga
4. Axmed C/laahi Oomaar Isuduwaaha C/G/Maroodi-jeex Maamulaha Kastamka berbera
5. Cumar Xasan Caalin Xarunta W/Kastamka Madaxa baadhista iyo Kormeerka gaobolada galbeed
6. Cilmi Aadan Abokor Xarunta Madaxa Kormeerka Gobolada Bari
7. Khadar Maxamed Cabdi Xarunta ilaa Amar danbe”

Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com