Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

MADAXWEYNE SIILAANYO OO SHACABKA KU BOGAADIYAY BILASHADA SANADKA CUSUB EE ISLAAMKA

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo isaga oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacbiga Somaliland waxa uu Munaasibadda Sannadka Cusub ee Islaamka 1437 (Hijiriyada) awgii oo ku beegan Beri Arbacada taariikhda milaadiguna tahay 14.10.2015 uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa Guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaanba.siilaanyo1

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Hambalyo taas la mid ah u dirayaa Wadamada Islaamka iyo shacbiga Muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladeeda kala duwan oo uu leeyahay sanad wanaagsan oo wacan.

Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa in uu Shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash, Baadhaadhe iyo Barwaaqo, inta Buktana uu ka Dulqaado Xanuunka, inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo.

Ugu dambayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu Baaqay in ay Nabad-gelyada iyo Qarannimada dalka u soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan cadawgeena, sidii ay hore-ba ugu soo jeedeen si aynu u gaadhno himiladeena qaranimo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr,,,

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com