Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

(maantasomaliland.com)Somaliland Oo Puntland Ku Eedeysay Inay Dad Rayid Ah Ku Laysay Degmada Dhahar April 24rd, 2011

Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Ergayga madaxweynaha Somaliland u qaabilsan bariga gobolka Sanaag Sahal Maxamed Jaamac, maleeshiyada maamul goboleedka Puntland ku eedeeyay inay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ku dileen sadex qof oo rayid ah oo xoolo ka waraabinayay degmadaasi kuwaasi oo ka soo jeeda degmada.
Ergayga Madaxweynaha ee barriga Sanaag wuxuu sidaasi ku sheegay shir saxaafadeed uu maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa waxaanu tilmaamay in aan la garanayn sababta maleeshiyada Puntland ay u bartilmaadeedsanayaan dadka xoolo dhaqatada ah ee xiligan abaaraha ba’ani hayaan.
Wxaanu tilmaamay in kooxdii dishay sadexdaasi qof ee rayidka ahi ay wateen baabuur tikniko ah oo uu saaran yahaya Qoriga Baroonka loo yaqaano.
Sahal Maxamed Jaamac, waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay difaaci doonto shacbiga deegaankaasi ku dhaqan waxaanu maamulka Puntland u soo jeediyay inay caddeeyaan ay sharciga horkeenaan kooxdii dishay sadexdaasi qof.
“Waxaan dhambaal tacsi ah u dirayaa qoysaskii ay ka baxeen sadexdan qof ee rayidka ah ee lagu dilay degmada Dhahar ee bariga Sanaag, waxaanan ILAAHAY ka baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii iyo shacbiga ay ka baxeenna samir iyo iimaan ka siiyo, waxaanan u caddaynaynaa Puntland inaanay Somaliland u dul qaadan doonin gardarooyinka ay ka wadaan deegaamadaasi,”ayuu yidhi Ergaygu.

ergayga madaxweyaha ee bariga gobolka Sanaag waxa uu sheegay inay jiidaasi ka taagan tahay abaar xoogan isla markaana ay dadka iyo duunyaduba u baahan yihiin gurmad deg deg ah .

xuseen xarbi

hargaysa maantasomaliland.com/hargaysa/office

harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com