Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dubai (maantSomaliland.com) Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa shir la qaatay dhiggiisa Dawladda Isutagga Imaaraadka oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sheikh Abadallah Bin Zayed al Nahyan.

Dubai (maantSomaliland.com) [SlideDeck id=’1950′ width=’100%’ height=’370px’] Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa shir la qaatay dhiggiisa Dawladda Isutagga  Imaaraadka oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sheikh Abadallah Bin Zayed al Nahyan. Shirkan wasiirada oo ka dhacay magaalada Dubai ee dalka UAE waxa la sheegay inaya labada masuul  kawada hadleen arrimo dhawr ah oo khuseeya labada dal, caalamka carabta, iyo geeska afrika. Waxay kaloo kawada hadleen culayska ay budhcad badeeddu  ku hayso adduunka. Waxaa intaa wehelisay wadahadakada labada geesood arriimo la xidhiidha cilaaqaad cusub oo ay Somaliland doonayso inay la yeelato dalka Imaaraadka Carabta iyo guud ahaanba wadamada gacanka carabeed.

Wuxuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland ka waramay hawlagaladda Somaliland ee ku aadan la dagaalanka budhcad badeedda, wuxuuna gaar bahaan ka hadlay dad lagu xukumay denbiyo la xidhiidha budhcad badeednimo oo lagu qabtay xeebaha iyo biyaha Somaliland ee caalamiga ah , oo hadda ku jira jeelasha Somaliland ka dib markii  maxkamadi ku caddaysay denbiyadaasi oo hadda tiradoodu kor u dhaaftay 90 qof.

Wuxuu wasiirku warbaahinta u sheegay in Somaliland ay dawladda Imaraadka Carabta waydiisatay inay ka taageerto la dagaalanka budhcad badeed oo ay uga baahan yihiin taageero dhinacyo badan leh oo ay ka mid tahay dhinaca dhaqaale, qalab iyo tababarro. Wuxuu kaloo wasiirku ka hadlay hawlgalada dhaqaale, siyaasadeed, nabadgalyo iyo maalgashi ee dawladda Somaliland oo uu u bandhigaya Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdallah Bin Zayed al Nahyan.

Warku wuxuu kaloo intaa ku daray in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaraadka Carabta, Sheikh Abdallah Bin Zayed al Nahyan, uu isna ka waramay culayska iyo dhibta ay budhcad badeeddu ku hayso maraakiibta ganacsiga iyo gaadiiska badda mara oo dhan.  Wuxuuna caddeeyaya inay arrintani ku keentay ganacasiga dawladdiisa iyo wadamada kaleba khasaare iyo dhibaato badan, xumaysayna nabadgalyada iyo isku socodka maraakiibta.

Wuxuu Sheikh Abdallah ku amaanay xukuumadda Somaliland dadaalka ay muujisay wax ka qabasho wayn dhinaca budhacad badeedda. Wuxuuna shaaca ka qaaday in dawladiisu la shaqayn doonto Somaliland iyo bulshada caalamkaba  sidii arrintan wax looga qaban lahaa.

Waxaa kale oo wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland uu saxaafadda u sheegay jawaabta uu ka bixinayo hadalo la sheegay inuu warbaahinta qaarkeed ku sheegay Wasiirka Khaarajiga ee maamulka TFG du oo sheegayay inay iyaga iyo Somaliland ay heshiis kuwada yihiin in si wada jira ah oo gaar ahaaneed ah ay ugawada shaqyeeyaan budhcad badeedda iyo maxkamaddaynta budhcad badeedda la qabto oo halkii la gayn lahaa dal kale oo shisheeye ay TFG du doonayso in la geeyo Somaliland.  Wasiirka Khaarijiga ee Somaliland wuxuu sheegay in arrintaasi aanay jirin, Somaliland’na ay sidii caadiga ahayd bulshada caalamka ula shaqaynayso sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada budhacad badeedda. Wuxuuna ugu baaqay wasiirkan TFG du inuu ka waantoobo marin habaabinta mawqifka Somaliland ee arrintan, wuxuuna cadeeyay in aanay jirin wax heshiis ah ama wadahadal ah oo u gaar ah Somaliland iyo TFG oo ku saabsan arrintan iyo arrin kale toona.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com