Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

W.Kaluumaysiga Oo Maamulka Saaxil Ku Eedeysay Inay Awood Kula Wareegeen Kuliyada Badda Berbera

Hargeysa(maantaSomaliland.com)- Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda ayaa sheegay inay ka xun yihiin tallaabo uu maamulka Gobolka Saaxil kula wareegay maamulka Kulliyada culuumta Badda ee magaalada Berbera. Waxa kale oo Wasaarada Kalluumaysigu ay ku eedeeyeen Maamulka Gobolka inay awood ciidan u adeegsadeen habkii ay guddidii hore ee gacanta ku haysay maamulka Kulliyadaasi uga wareejiyeen maamulkii. Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu caawa soo saaray Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Mr. C/Raxmaan Cawil Xasan, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:- “Waxaan aad uga xumahay tallaabada uu maamulka gobolka Saaxil maanta kula wareegay Kulliyadii Culuumta Badda Berbera oo uu khilaaf xoog leh ka dhashay Guddi dhawaan uu Maamulka Gobolku u magacaabay iyo Gudidii hore oo ah aas-aasayaashii Kuliyaddan oo muddo hakad ku yimi nidaamkii waxbarasho, haseyeeshee dib loo furay oo haatan shaqaynaysay. Bedelka iyo riditaanka Guddida Jamaacaddu waa mid hoos imanaysa Wasaaradda waxbarashada, Wasaaradda kalluumaysiga iyo Kheyraadba badda, shan xubnood oo qurbojoog ah, shan xubnood oo reer saaxil, badhasaabka Gobolka , Maayarka iyo Maareeyaha Dekedda, Deanka kulliyadda iyo xubin sharafeed isku dhafan ayuu dhigayaa sharciga Kulliyaddu inay wax bedeli karaan waxna ridi karaan, kuwaasoo labadii sanaba hal mar shir isugu imananaya. Hadaba, waxaa si lama filaan ah tallaabada maamulka gobolka Saaxil maanta ku qabtay xaflad ka hor dhacday wakhtigii loo ballansanaa, iyadoo balantu ahayd in gudidaa hore ee aasaasyaasha ahaa si wanaagsan looga wareejiyo, laguna maamuuso oo loo mahadceliyo, haddii ay doonaanan lagu daro Guddida cusub, waxa fajaciso igu noqotay in ballantii laga baxay oo xoog iyo askar ka mamnuuc ah goobaha waxbarasho lagula wareegay kulliyadii. Waxaa ayaan daro ah in xisbinimmo lagu kala aarsado oo loo dhaqmo qaab ka baxsan sharciyadda iyo nidaamka dawladeed ee aynu dhammaanteen ku wada noolahay. Sharcigu waa ka udub-dhexeedka nabadgelyada iyo jiritaanka nolosha qaranimmadeenu, waana mid ay u simanyihiin Madaxweynaha, masuulliyiinta xukuumadda, shacabka, ka fiqiirka iyo taajirkaba, ilaalintiisa iyo ku dhaqankiisuna uu xil ka saaranyahay cid kasta, haddii sifo qaldan loo adeegsadana ay ka dhalato nabadgelyo darro iyo kicinta cid kasta oo sharci daro lagu sammeeyo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com