Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Warfaafinta Oo Masuuliyiinta Wasaarada Ku soo Rogay Amaro Lagu Furdaaminayo goaano ah in saraakiisha wasaarada laga mamnuucay xafiisyada

(maantasomaliland) Wasiirka Warfaafinta Oo Masuuliyiinta Wasaarada Ku soo Rogay Amaro Lagu Furdaaminayo DWasiirka Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa Sabtidii shalay soo saaray go’aan uu saraakiisha waaxyaha kala duwan ee wasaaradaasi kaga mamnuucay inay tagaan xafiiskiisa Iyo xafiisyadda kale ee dawladda iyaga oo aan u socon wax shaqada wasaaradda la xidhiidha. Md. Axmed Cabdi Xaabsade waxa kale oo uu joojiyay shir subaxeedkii uu masuuliyiinta wasaaradda uu la yeelan jiray subax walba, ka dib markii uu arkay inay u qaybsan yihiin garabo is haya oo wada shaqayntoodu hooseyso.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu faray agaasime waaxeedyada iyo madaxda laamaha kala duwan inay subaxdii saxeexaan buug la dhigi doono xafiiska Agaasimaha guud ee wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta. Amarkan Wasiirka ayaa ka dhashay ka dib markii maamulaha TV-ga Qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Maamulaha Idaacadda Maxamed Siciid Muxumed ay khamiistii todobaadkii hore isku faro saareen Shir subaxeedkii maalintaasi oo uu guddoominayay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade.

Is fara saarkan ayaa ka dhashay sida la sheegay kadib markii agaasimaha TVga qaranku, Md Dhuxul, eedayn la xidhiidha dhacdooyin maalmahan ka socday idaacada usoo jeediyey shirka, isla markaana taas uu ka xanaqay agaasimaha idaacadda Md Maxamed Siciid. Wasaarada Warfaafinta waxa carqalad ku noqday qaab dhismeedka wasaarada oo jahowareersan isla markaana ay jiraan Agaasimeyaal tiro badan oo uu ka tagay Wasiirkii hore.

Dhinaca kale, waxa jirta dhacdooyin soo noqnoqda oo ka dhacay idaacadda qaranka oo laba jeer oo kala duwan laga sii daayay heeso aan munaasib ahayn oo mid ka mid ah lagu dhalaycaynayno Ethiopia

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com