Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Cismaan Geelle Arab oo Ku Geeriyooday Jabuuti

Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ahna Ku simaha Madaxweynaha Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa caawa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo shacbiga Somaliland oo uu ka baxay Marxuum0- Cismaan Geelle Faarax oo ka mid ah Ganacsatada waaweyn ee dalka oo maanta geeriyooday dalka Jabuuti. Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu dhambaalkiisa tacsida ah ku yidhi “Madaxweyne- Ku -Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha JSL, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u Dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Reer Somaliland iyo Weliba Shacbiga Reer Jabuuti-ba isaga oo ka Tacsiyadaynaya Geerida ku timid MARXUUM XAAJI CISMAAN GEELLE ARAB oo ahaa Ganacsatada waa weyn ee Reer Somaliland iyo kuwa Reer Jabuuti-ba oo maanta ku geeriyooday Wadanka Jamhuuriyada Jabuuti, MARXUUMKU waxa uu ka mid ahaa Ganacsatada Hal-doorka ah ee Somaliland iyo Weliba Jabuuti. MARXUUMKA oo lagu Aasi doono Dalka Jabuuti, Madaxweyne- Ku -Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha JSL, waxa uu MARXUUMKA ALLE uga baryayaa in uu Naxariistii Janno ka Waraabiyo Qoyskii, Ehelkii, iyo Dhamaan Shacbigii uu ka baxayna uu samar iyo Iimaanka siiyo.” Mustafe Cismaan Geelle ayaa noo sheegay in caawa lagu aasay magaalada Jab uuti.

xuseen xarbi hargaysa/maantasomaliland.comoffice

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com