Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddida Joogtada Ee Guurtida Oo Warbixin Ka Dhegaystay Masuuliyiinta Ciidanka Asluubta

Guddida Joogtada Ee Guurtida Oo Warbixin Ka Dhegaystay Masuuliyiinta Ciidanka Asluubta April 24th, 20 Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Guddi hoosaadka joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta warbixin la xidhiidhay Ciidanka Asluubta iyo Xabsiyada dalka ka dhegaystay mas’uuliyiinta Ciidanka Asluubta.

Mas’uuliyiinta ee Guddida Joogtada warbixinta siiyay waxa Hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Maxamed Xuseen Faarax, Taliye ku xigeenka Xasan Cali Cawad iyo Hoggaanka Xabsiyadda ee Ciidanka Asluubta.

Waxaanay hoggaanka ciidanka asluubtu ay Guddida u bandhigeen warbixin dheer oo ay fataasiil ka bixiyeen waxqabadkooda, qorshayaashooda iyo xaalada Jeelasha dalka. Taliyaha Ciidanka Asluubta qoraalkiisu wuxuu u dhignaa sidan:- “Guddoomiye & Mudaneyaal: Markii aan xilka la wareegay, waxaanu ugu horeyn kormeer keddis ah, oo kala dambeeyay ku kala samaynay xabsiyada saldhigyada ciidanka ee Gobollada ; Degmooyinka Dalka, Kormeerkaas oo aanu ugu kuur galaynay xaaladaha guud & gaar ahaaneed ee ay xabsiyada, ciidanka & maxaabiistuba ku sugan yihiin; xog-ogaal u noqoshada caqabadaha & baahiyaha ka jiraba, ka dibna:-

1) Waxaanu samaynay rekoodhadii ciidanka dhammaantii oo aanu hore u lahayn ciidanku (peronal file & record) (fayl & sawir xubin walba u gaar ah), isla markaasna, waxaanu siinay ciidanka dhammaantii lebiska ciidanka, sida uu u dhan yahayna aanu wada hawl-gelinay.

2) Waxaanu magacawnay Hoggaamo iyo waaxo ay baahidoodu jirtay oo aan hore uga jirin ciidanka, kuwaas oo kala ah:-

(a) Hoggaanka Warshadaha iyo wax-soo-saarka C/Asluubta.
(b) Hoggaanka Qorsheynta iyo Tababarada C/Asluubta.
(c) Hoggaanka Wacyi-gelinta C/Asluubta.
(d) Waaxda Xarumaha Dhaqan-celinta Carruurta.
(e) Waaxda Tirada & Hubinta faylasha ciidanka.
(f) Waaxda Gaadiidka C/Asluubta.
(g) Waaxda Dhismaha C/Asluubta.

3) Waxa kale oo aanu samaynay laba kooxood oo aad loogu baahnaa oo kala ah:-
• Kooxda Fanka & Suugaanta, Hiddaha & Dhaqanka ee C/Asluubta.
• Kooxaha Ciyaartoyga Kubbadda Cagta & Ciyaaraha Fudud ee C/Asluubta.
• Waxa kale oo aanu qaadanay (6 sarkaal) oo heer jaamacadeed ah, oo ka soo baxay Kulliyada Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa & kuwa kale oo ahaa saraakiishii Ciidanka Asluubta oo ka soo baxday Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Gollis & waliba ciidanka cusub oo aanu u qaadanay hawlaha xabsiyada in ay ka hawl-galaan gaar ahaan xabsiga Gobolka Hargeysa iyo Xabsiyada Gobolada & Degmooyinka, una badan dhallinyaro aqoon leh.

4) Dayactir aanu ku wada samaynay gaadiidka ciidanka oo aan isla markaas marinay rinjigii midabka ciidanku hore u lahaa, isla markaasna ka dhignay gaadiid leh astaamihii ciidan qaran lahaan jiray.

5) Xaruntii Isgaadhsiinta Ciidanka oo aan Taliska Guud ee C/Asluubta u soo wareejinay.

6) Dardar-gelinta dhammaystirka dhismihii & Furitaankii Xabsiga Gobolka M/Jeex ee Hargeysa oo dhismihiisu socday muddo dhan ( 4 sanno & dheeraad).

7) Dayactir ; Qalabayn aanu xafiisyada Taliska Guud ee C/Asluubta ku samaynay, dhisme xafiisyo cusubna ku kordhinay ; kuwo kalena balaadhin ku samaynay.

8)Dardar-gelinta iyo toosinta nidaamka guud ee maamul, shaqo iyo kor-u-qaadista sumcada, bilicda iyo magaca Ciidanka Asluubta JSL.

Waxqabadka noo qorshaysan

1) Dayactirka iyo balaadhinta xabsiyada gobollada, ka hor inta aan awoodayno dhismayaal cusub oo xabsiyada ah.

2) Waxa kale oo qorshaha noogu jira dhismeyaal cusub oo xabsiyo furan ah, oo wax soo saar leh sida: Beeraha, dhiraynta magaalooyinka, samaynta jaajuurka, shididda nuurada, dhiqidda Digaaga, jebinta dhagaxa dhismaha. Tolidda Lebiska Ciidamada Qaranka, lebiska shaqaalaha. Dawladda iyo waliba lebiska ardayda dugsiyadeenna kala duwan. Caqabadaha jira 1) Sababaha buux-dhaafka xabsiyada iyo noocyada maxaabiista ku xidhan. ? Xabsiyada oo ah kuwo la dhisay badankooda wakhtigii gumaysiga, laguna saleeyey dhisme ahaan dembiyadii iyo baahidii wakhtigaasi jirtay, dhammaantoodna haatan buux-dhaaf heerkii ugu sareeyey ka siman yihiin, kana buuxaan xabsiyada maxaabiista dembiyada culus sida:-

• Maxaabiista argagixisada.
• Dil sugeyaal,
• Dil maxkamaduhu u socdaan
• Budhcad baddeed
• Isku day dil
• Maxaabiis dembiyo kala duwan ku eedaysan.
• Maxaabiis gar-sugeyaal ah. Kuna kala xidhan xabsiyada shaqeeya oo tiradoodu dhan tahay (14) xabsi, oo kala ah: xabsiga dhexe ee Mandheera, xabsiga Hargeysa, Burco, Boorama, Berbera, Ceerigaabo, Laascaanood, Gabiley, B/Gubadle, Oodweyne, Garadag, Ceel-afweyn, Salaxley iyo Dhahar.
Xabsiyadaas oo dhamaantood wada buux-dhaaf ah, isla markaasna ay kala bateen tirada maxaabiista xabsiyada ku xidhan oo dhan (2,987) maalintii iyo tirada raashinka miisaaniyada qoondaysan uga maxaabiista oo dhan (2,500) maalintiiba, laga soo bilaabo bilihii January ilaa March, 2011 iyo bishan April ee aynu ku jirno. Sidaas darteed, waxaanu codsanaynaa in labadan qodob ee hoos ku qoran midkood la hirgeliya:- ? In maxaabiista Cafis loo fidiyo 18th May 2011 ama ? In la kordhiyo ama la kabo qorshaha miisaaniyada maxaabiista laguna daro (500) maxbuus ee ka dhimman. Sababtoo ah, laguma wadi karo sidatan ay tahay xaaladu, waayo waxaa loo baahan yahay in la saxo khaladka ku dhex jira miisaaniyadda raashinka maxaabiista ee loo qoondeeyey sanadkan 2011, iyo tirada maxaabiista dhaaftay qorshihii miisaaniyada, sababtoo ah, waxaa la furay laba xabsi oo aan qorshaha miisaaniyada sanadkan ku jirin oo kala ah xabsiga Gobolka Hargeysa iyo Xabsiga Degmada Dhahar. Haddaba, waxaanu ka codsanaynaa Golaha Guurtida inay tallo midaysan naga siiyaan arrintan aanu warbixinta ku siinay haddii Eebbe Idmo.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com