Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Waxa Fiican in Wax La Barto Intaan Madax La Noqon…Prof Abdi Ali Jama

Waxa Fiican in Wax La Barto Intaan Madax La Noqon…Prof Abdi Ali Jama

Waxa maanta igu kallifay in aan sharxo macnaha dawlad iyo 

xukuumad, markaan arkay masuuliyiin u haysta in saamayn ay yeelanayso masuuliyiintii iscasishay.

Horta, xukuumaddu waxay ka kooban tahay Madaxweynaha iyo kaaliyayaashiisa(wasiirada). Haddii madaxweynuhu meesha joogo, xukumaddii way joogtaa, xataa haddii wasiirada dhammaantood xilka laga wada qaado ama ay is wada casilaan. gaar ahaan marka waddanku uu yahay mid madaxtooyo(presedential), sida Somaliland oo kale.

Dawladdu iyadu way ka balladhan tahay xukuumadda waxanay ka kooban tahay garsoorka, sharcidejinta iyo xukuumadda aynu soo sheegnay.

Haddii ay sidaa tahay, maanta waxaan la yaabay sida masuuliyiin waaweyn ay isugu qaldayaan macnaha dawlad iyo xukuumad. Haddaba arrintan maanta dhacday ee is-casilaadda haba yaraatee wax saamayn ah kuma laha xukuumadda iska daa dawladda oo.

Maanta waxan



maqlayay nin wayn oo wasiir ah oo leh, dawladii ayaan u baqanayaa in ay innaga dunto. Markaa waxa fiican in dadku wax bartaan inta aanay madax noqon.
 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com