Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

DALKANI U BURBURI MAAYO DAMACA SHAQSIYAAD KOOBAN W/Q NOUR JAMA DUALE

DALKANI U BURBURI MAAYO DAMACA SHAQSIYAAD KOOBAN W/Q NOUR JAMA DUALE

SUL

Ma’aha dan ummadeed, ma’aha dan  qaran, ma’aha horumar raadin, ma’aha xumaan diid, kaliyaata waxa la isku haystaa waa sidii loo boobi lahaa hantida bilaa xisaabta ah ee hooyada saboolka ah qori caradii lagaga soo faro maroojiyey. Khilaafka sal-dhigi waayey ee xisbiga Kulmiye ee maalinba waji yeelanayaa, shaki la’aan waa hunguri iyo imaan la’aan ka dhaxaysa shakhsiyaad sida haadda ugu soo qamaamay in ay hiigaan raqda bakhtiga ah ee aynu dawladnimada ku sheego. Waa shakhsiyaad ay ka go’antahay iyaga oo aan tabac iyo rafaad soo marin sidii ay muddo gaaban milyaneero ugu noqon lahaayeen. Waa dhuuni raacyo aan hunguri mooyee wax kale garanayn, waa niman aan qaran daryeeli karayn, horumar keeni karayn, waa niman nafahoogiiba ka adkaan kari waayey. Fahamka qarannimo oo si weyn uga qalloocday bulshada awgeed, ayaa waxa uu sabab u noqday in ay bulshadu kala taageerto shakhsiyaad wax ma garato ah, kuwaasi oo aanay bulshadu ku taageerin mabda’, wax-qabad, aqoon, aragti amaba wax kale oo qof lagu dooran karo, kaliyaatana waxa loo kala taageerayaa waa “hebel ayaanu isku reer nahay”. Bulshada oo aan waayo-arkayn, waxa ay reernimo iyo aragti qabyaaladaysan ku taageeraysaa mar walba, shakhsiyaad ay ka go’antahay boobka hantida bilaa xisaabta ah ee dalku leeyahay, shakhsiyaad dedaal weyn ugu jira sidii ay darxumo iyo daryeel la’aan ugu abuuri lahaayeen bulshadii dooratay. Mar walba, waxa lagu jiraa calaacal iyo qoomamo ah “kii hore ayaa dhaamay”, tolow, miyaanay ina soo marayn daqiiqad kaliyaata oo aynu si miyir qabta u fikirnaa! Inkasta oo ay shakhsiyaadkani aad u kala duwanyihiin, hadana waxa ay ay ku midaysanyihiin fikir kaliyaata oo ah: “boobka iyo dhaca hantida qaranka, darxumo ku abuuridda bulshada ku nool daafaha dalka, korinta iyo naaxinta qaraabadooda, kala qaybinta iyo isku dirka bulshada, baabi’inta danta guud iyo in ay god ku hubsadaan aayaha dambe ee dalka”. Balse ayaan-darrada ka weyn ayaa ah in aanay jirin cid kala xisaabtaymaysa dhibaatooyinka iyo hagardaamooyinka is daba joogga ah ee ay dalka u geysteen, taasi oo mar walba siinaysa dar-dar cusub oo ay dalka ku sii waxyeellayn karayaan, ma jirto cid uu ka cabsanayaa, hadii laga tagi waayo waxa kaliya ee uu ku werwerayaa waa xaddiga hantiyeed ee uu jeebka ku qaadanayaa inta sannadood ee ay ku filnaan karto! Adaaba sheegayee, Meeshaba ma taallo daryeel qarannimo iyo dan ummadeed! Miyuu qalin koobi karayaa dib u dhaca ballaadhan ee dalka ku habsaday, miyaa hadal lagaga bogan karayaa dhibaatooyinka laga murugoodo ee aan cidiba xil iska saarin, miyaa laga sheekayn karayaa ayaan-darrada dalkan taalla, miyaa… miyaa…. Miyaa…… balse aan ku dhaafo tixdii Abwaan Axmed I. Diiriye “Qaasim” ee ahayd “Mar uun buu daf soo odhan nabsigii, diinku soo sidaye”. Filinka doqoni ma garatada ah ee gacanta lagu sameeyey ee lagu sheegay in ay wasiirro is casileen, ayaa waxa aanu dhaafsiisnayn hunguri, imaan la’aan, qabyaalad aan laga xishoon, xulafaysi ku salaysan dan gaar ah iyo wax aan dhaamin. Bal aan ku weydiiyee, meeday dantii ummadeed, meeyey ka hadalkii iyo xalkii loo raadin lahaa ayaan-darrada dalkan taalla, aaway damiirkii horumarka raadin lahaa, aaway…. Aaway….. aaway…. ! Waa nasiibkeennee, waxa la innoogu daw-galay boqollaal ma xishoode oo aan karaamo iyo sharaf midna lagu ogayn, kuwaasi oo si badheedh ah innoogu hor samaynaysa wixii laga yaq-yaqsoon jiray, iyaga oo aan ka cabsi qabin in ay bulshadu colaadiso, waayo waxa uu yaqaannaa sida bulshada loo beer-laxawsado oo ah: “Tolla’ay yaa reer hebelaay”! Kuwa noocan oo kale ah, waxa sida weelka biyo iyo liif lagaga maydhay damiirka xumaha iyo samaha kala saari jiray. Bal eeg, waxan ay samaynayaan xumaan way dhaaftaye, wallaahi waa xayawaannimo ayaan odhan karaa! Waa hubaal in aanu ninka kursiga u harraadani waxba samayn karayn, hadii aanu haysan bulsho sida adoomaha uu dhabarka ka rarto. Ogowna cidda kaliyaata ee ay colaaduhu rafaad iyo raxan-raad ku ridaan in ay tahay bulshada, cidda colaadaha abuurtaana ay tahay shakhsiyaad danaystayaal ah, kuwaasi oo aan marnaba waxyeello ka soo gaadhin dabka ay huriyaan. Maanta oo kale, waa dharaartii uu dalku ku bad-baadi lahaa mabda’a shacabka ama uu ku dumi lahaa mabda’a shacabka! Alle ayaa awood leh

waa qalinkii: Nuur jaamac ducaale(suldaanka)

email: nourjama@gmail.com

tell:0634448820

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com