Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

BEELAHA ARAB BARRI OO TAAGEERAY MUSHARAXNIMADDA KIJAANDHE BAAQ CULUSNA U DIRAY MADAXWAYNE SIILAANYO

WAR SAXAAFADEED UJEEDO BAAQ TAAGEERO IYO DIGNIIN

baaq1Anagoo ku hadlaynaa magaca dhalinyarada, aqoonyahanka iyo cuqaasha beelaha Arab bari waxaanu soo dhoweynaynaa musharaxnimada musharax axmed cabdi kijaandhe anagoo hiil iyo hooba u hurayna waxaanu yahay musharaxa keliya ee badbaadin kara wadajirka xisbiga kulmiye.

musharax kijaandhe musharaxnimadiisu waxay wax ka bedeshay sawirkii qaldanaa ee la odhan jiray xisbiga kulmiye reero ayaa ku heshiisa. Taas oo meel ka dhac ku ahayd xisbiga hadaba dhamaan xubnaha golaha dhexe waxaanu u baaqaynaa in ay taageeraan (codeeyaan) murashaxa madaxweyne ee xisbiga kulmiye musharax AXMED CABDI KIJAANDHE sidoo kale madaxweyne siilaanyona waxaanu ugu digaynaa Go’aanka dhinaca ka raran ee uu kaga eexday Musharax Axmed Cabdi Kijaandhe

Hadii Madaxwayne ay Kula Sahlanaatay Inaad Mar Labaad Ka Hiiliso Beelaha Arab Waxaanu Halkan Ka Cadaynaynaa Inaanaan Aqbali Doonin Go’aanadda aan Laga Fiirsan ee aad nagula soo dhiirantay

waxa kale oo aanu baaq u diraynaa beelaha arab galbeed anagoo ugu baaqaynaa shir Degdega oo beelaha Arab Iskugu Yimaadaan Si Ay Uga Tashadaan Xadgudubka Aan Loo Dulqaadan Karin ee Madaxwayne Siilaanyo Ku Hayo Beelaha Arab

Magacyadda Ku Saxeexan Baaqa

mahamed xasan yaasiin

cabdilaahi osman guuleed

mustafe yuusuf xasan

maxamed cali ducaale

cabdikariin yuusuf askar

cabdilahi axmed nuux

Cabdisalaan axmed khayre

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com