Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kormeer Ku Soo Mara qaar Ka Mid Ah Haayadaha Dawlada

 

Hargeysa(maantaSomaliland.com)- Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi (Saylici) ayaa abaaro 9:00 subaxnimo ee saaka waxa uu booqasho kormeer indho-indhayn ah kusoo maray qaar ka mid ah Hay’adaha dawlada.

Ugu horayn Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha
Somaliland waxa uu ku horeeyay Hay’adda Korontada Dawlada, halkaasi oo uu ku soo wareegay qaybaheeda kala duwan, waxaana qaabka ay u
shaqayso, baahiyaha iyo duruufaha shaqo ee ku gedaaman iyo halka ay
wax marayaan u sharaxay Maareeyaha Hay’ada Korontada Dawlada, Maxamed Axmed Aadan (Weli-xaawo).

Masuulkan oo dhawaan xilka Hay’adaasi la wareegay ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyinka uu kala kulmay baylahda qabyo ee ka jirtaa inta ay baaxad le’eg tahay. Waxa kale oo uu Madaxweynaha uga waramay in aanay hawl-wadeenada Hayadda korontadu dadweynaha uga soo ururin lacagta sifihii loogu talo-galay, isla-markaana waxa ay dadku ula magac baxeen Laydhka Dawladda Laydhkii Ilaahay. Mareeyaha Hay’adda Korontadu waxa uu u cadeeyay Madaxweynaha in ay qaadi doonaan talaaboyin wax ku ool ah oo wax lagaga qaban doono qaabka shaqo iyo dhaliilaha ka jira Hay’adan.

“Waa Hay’ad Madaxbanaan oo Qaranku leeyahay, waxa haboon in aad si
cadaalad ah oo xaq ah ugu maamushaan shaqaalaha iyo dadweynaha labada,isla-markaana waad u madaxbanaan tihiin in aad talaabo wax ku ool ah ka qaadaan wax kasta oo ka horimanaya shaqadiina.” Sidaana waxa yidhi Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha, Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi (Saylici).

Intaa ka dib waxa uu Madaxweyne ku xigeenku soo kormeeray mishiinada ay ku shaqayso Hay’ada Korontada Dawladu.

Dhinaca kale, waxa uu Madaxweynuhu soo kormeeray Xarunta Agoomaha Hargeysa, isaga oo la kulmay masuuliyiinta xaruntaas, isla-markaana u soo kuur-galay xaalada nololeed ee dhab ahaan ka jirta Xarunta Agoomaha, isaga oo ku soo wareegay qaybaha kala duwan ee Xaruntaasi.
maxcamed dhukur
haqrgaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com