Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Qorshihii Lagu kala daadiyey Kooxda Halista. Hawl-galkii Siyaasadda ee Sannadka Qaatey” Suleyman Yuusuf Dhakhtar

Maalin-nimadii Kow iyo labbaatankii bisha lixaad ee Sannadkii hore ayay ahayd markiii uu Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay Musharaxnimadii Madaxweyne-nimo ee Xisbiga Kulmiye.

Guuldaradaas maalintaa ku dhacday Hogaanka Xisbiga Kulmiye, waxay soo dedejisay inay ogaadaan inay meel cidlo ah taagan yihiin, talladii waddankuna ay gacanta u gashay niman wasiiro ah, oo dhegaha Madaxweynaha markaas haystey. qorshahooduna yahay in madaxweynuhu marka uu tago, ay iyagu xilka la wareegaan.Sidaasna ay tallada Somaliland ku haystaan sannadaha baddan ee soo socda.

Muddo labba bilood gaadhaysa oo hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye, talladooda si qarsoodiya ay u rogrogayeen, waxaa soo baxday in ka hor dhamaadka Xilka xukuumada Madaxweyne Siilanyo, ay qaadaan tallaabooyin ay ku soo ceshanayaan Kalsoonidii Madaxweynaha, oo ay in baddan halgan soo wadda mareen. Waxayse is weydiiyeen haddiiba Madaxweynihii uu ku jiro gacanta nimankaas wasiirada ah, Sidee baynu ku soo ceshan karnaa kalsoonida Madaxweynaha?. Jawaabtu waxay noqotay in marka hore daraasad iyo xog laga helo nimankan madaxweynaha ku xeeran,lanna isticmaalo qaab Sirdoonnimo ciidan (Ogow Hogaanka Kulmiye waa Saraakiil Ciidan.”Militery’e).

Dhamaadkii bishii tobnaad ee Sannadkii hore,ayaa macluumaadkii kooxdaas laga soo uruuriyay ay soo dhamaatay. waxaaney hogaanka Kulmiye ku sameeyeen falanqeyn iyo sida ay u kala muhiim sannaan karto, tallaabooyinka la qaadaya. Wax yaalaha cajiibka ee nimankaas laga ogaadey markii xogtooda la uruurinaayay, waxaa ka mid.

1. Inay koox isku xidhan, misana labba kooxood ah ay yihiin.

2. Kooxda koobaad oo ah kooxda halista, inay aad u xoog baddan tahay, saameeyn weyna ku leedahay Qasriga Madaxtooyada.

3. Inay “Koox” niman Fudud yihiin.

4. INAYNA WAAYO ARAGNIMO SIYAASADEED LAHAYN

5. INAYNA Ciyaarta iyo SHIRQOOLADA SIYAASADEED WAXBA KA FAHMI KARIN.

6. Inayna aamin saneyn waa la idinka badin karaa, saaxiibadiin qaar ka midina cadaw bay idiin noqon karaan.

7. Inayna siyaasadoodu qorshayaal baddan lahayn, oo hadii midi ka fashilanto ayna qorshe labbad lahayn,,, haddii ay leeyihiina ay qorshe khaldan qaadan doonaan.

Qoddobadaas ayaa lagu ogaadey, fallan qayntii kooxdaas lagu sameeyay. Haddaba markii usbuuc, fallan qayntaasi socotey, waxay hogaanka Kulmiye iyo niman saaxiibadood ah oo hawsha la ogaa ay isweydiiyeen. Tallaabooyinka ay qaadi karaan maxay noqonayaan ?. markii la rog-rogeyna waxaa la isla qaatay in la qaado tallaabooyinka soo socda.

1. In Kooxdan, iyaga la dhex galo.

2. In madaxtooyada saameyn lagu yeesho.

3. In doonis kasta oo uu madaxweynuhu doonayo loo yeelo.Xitaa haddii uu yidhaahdo inta aan noolahay Madaxweyne ayaan ahaanayaa!

4. In Kooxdan,qorshayaashooda la kala daadiyo. tallaabo kasta oo ay qaadayaana lala socdo.

5. In ka hor dhamaadka Xilka xukuumada, hawshaas la fuliyo. ama ugu yaraan inta ayna wakhtigaas gaadhin kooxdan la kala daadiyo.

6. In bartil maameedka ugu weyni noqdo, Kooxda “Halista”. Siiba labbada nin ee kooxda hogaamiya. Labbadaas nin waxaa loo bixiyay, Magac sireed ah ”Labbada Shabeel”.

La soco qaybo kale oo xiiso baddan.

F.G. Xogtan dad muhiima oo cod sadey inaan la magac dhabin, ayaynu ka helnay

Suleyman Yusufdhakhtar

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com