Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shan Ka Mid Ah Shirkadaha Isgaadhsiinta Oo Gaadhay Heshiis La Xidhiidhka Isku Xidhka Telefoonada dalka

Hargeysa(maantaSomaliland.com)-Shan ka mid ah shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland ayaa soo saaray heshiis la xidhiidhka isku xidhka isgaadhsiinta, si shacbiga looga dul qaado culayska ka haysta isku xidhnaan la’aanta shirkada isgaadhsiinta.
Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Guddoomiyaha Guddida wada jirka ah Isgaadhsiinta shirkadaha Jaamac X. Maxamed Cigaal, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:_ “War Saxaafadeedkan oo ujeeddadiisu tahay in la la socodsiiyo Macaamiisha iyo dadweynaha Sharafta leh ee Shirkadaha gaadhay heshiiska Isku Xidhka, marxaladihii uu soo maray iyo sida uu ku soo gebageboobay.
Shir uu qaban qaabiyey Wasiirka Wasaaradda Boosta iyo Isgaadhsiinta Dr.Axmed Xaashi Nuur kaasi oo uu Isugu Yeedhay dhammaan Shirkadaha Isgaadhsiinta Madaxdooda sare taariikhdu markay ahayd 9/02/2011, waxaa ka mid ahaa qoddobaddii ay Wasaaraddu soo jeedisay, islamarkaana la isla qaatay in dhammaan shirkaduhu diyaar u yihiin dhaqan gelintiisa (Fulintiisa), Isku xidhka Shirkadaha oo ah Adeeg macmiil kasta uu xaq u leeyahay kana maqnaa muddo dheer. Kulanka Wasiirka iyo Madaxda sare ee Shirkadaha waxa ka soo baxay in la magacaabo xubno ka socda Shirkadaha loona Bixiyey Guddida Wadajirka Isgaadhsiinta oo ka koobnaa 10 Xubnood ( 6 xubnood oo ka socda Shirkadaha, 1 Xubin ka socota SATO iyo 3 Xubnood oo ka socda Wasaaradda) shaqadooduna tahay in ay ka hadlaan dhammaan arrimaha khuseeya
Isgaadhsiinta dhexeeyaan Shirkadaha iyo Wasaaradda.
Kullaamo isdaba joog ah oo wiiggiiba 2 jeer qabsooma waxa si qoto dheer loogu lafo guray sidii uu ku hirgeli lahaa Isku xidhku midhona ku dhalin lahaa, islamarkaana u raali gelin lahaa macaamiisha shirakadaha ee ku kala xayirnaa xeryaha Shirkadaha.
Haddaba, maanta waxa aannu war saxaafadeedkan ku caddaynaynaa in uu dhammaaday heshiiskii isku xidhka shirkadaha oo uu dhaqan geli doono 15/05/2011, inta ka horraysana la dhammaystiri doono wixii ku laaban xagga farsamada, iyada oo lagu wada hadli doono qiimayaashan hoos ku qoran:
Sl # Nooca Adeegga Prepaid/Min Post paid/Min
01 Mobile $0.03 $0.05
02 Fixed $0.03 $0.05
03 SMS $0.01/Farriin $0.01/Farriin
Isku xidhkani waxa uu ku kooban yahay ilaa hadda Xuduudaha Soomaaliland oo keli ah.
Waxa aannu uga mahad celinaynaa wasaaradda Boosta iyo Isgaadhsiinta doorka fiican ee ay ka qaadatay isku soo dhawaynta Shirkadaha iyo fududeynta adeeggan suurto gelintiisa kaasi oo macaamiishu muddo dheer tabaysay.
Shirkadaha Isku Xidhka saxeexay:
1- Somtel
2- Nation Link
3- Telcom
4- Soltelco
1- Africa Online .”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com