WARBIXIN .Iscasilaadda iyo Huleelkii Xagjirka Dawladsan ee Somaliland
(maxaa ka dhaboobey saadaasha warbixintii xagjirka dawladaysan ee Somaliland kuna taariikhaysanaa May, June, July iyo August ee sannadkii 2011)
Iscasilaadda iyo Huleelkii Xagjirka Dawladsan ee Somaliland
(maxaa ka dhaboobey saadaasha warbixintii xagjirka dawladaysan ee Somaliland kuna taariikhaysanaa
May, June, July iyo August ee sannadkii 2011)
Sannadkii 2011 wuxuu ahaa sannad aad u adag oo Somaliland – yar iyo weyn- ay garanwaayeen sida
xallka dawladnimo uu uga shaqaynayo Somaliland. Arrimaha markaa ugu waaweynaa ee soo ifbaxay oo
ay warbixintu soo bandhigtay waxay ahaayeen:
Wasiirkii Madaxtooyada ee Somaliland Mudani Xirsi (siiga yara) oo albaabkii madaxtooyada fadhiistay
kana horistaagay siyaasiyiintii iyo waxgaradkii in ay la kulmaan Madaxweynaha Silanyo. Dalkii wuxuu
noqday mid u afduuban Xirsi.
Goboladii bariga oo la dayacay islamarkaana laascaanood laga dhigay saylad lagu gawraco shaqaalihii
Somaliland. Intaa waxaa dheer, in Xirsi uu si badheedh ah uu u sii daayo – mar walba- dadka loo soo
qabto in ay ka dambeeyeen dilalkaa.
Xisbigii Kulmiye oo laga dhigay makhaayada yar oo daabiyad yar ku taal, islamarkaana wax la weydiiyaa
aanay jirin. Waxaa intaa dheer dadkii xisbiga laga magacaabay ee xukuumaddii Silaanyo lagu daray in ay
ahaayeen kuwo fajac iyo amakaag ku ridey dadweynaha iyo hoggaankii xisbigaba.
Axsaabtii Somaliland ee kale sida UCID iyo hadhaagii UDUB oo khalkhal iyo wareer la geliyey.
Albaabkii Madaxtooyada oo noqday mid u furan oo keliya ashkhaas gaar ah sida wasiiro uu wato xirsi iyo
qaar ka mid madaxdii Baarlaamanka Somaliland siiba mudanaayasha Samaale iyo Cirro oo aaminsanaa
mabda’a “ku shaqayso oo la shaqyso Xirsi” iyo Baashe maxamed Cadde oo ula xididay Xirsi si uu helo
Wasiirada Xirsi iyo mudanayaashii uu watay waxay qalalaase aan demin geliyeen hawlihii ganacsi iyo
amni ee Berbera, Gebiley, sool iyo Sanaag, Burco iyo Awdal oo idil. Dagaalkii kalshaale ee dhiigga badan
ee aan loo baahnayn uu ku daatay ka mid ayuu ahaa.
Xirsi iyo xulafadiisu waxay boobeen hantidii qaranka; waxay iibiyeen dhulkii iyo dhismayaashii dawladda;
waxay la wareegeen qandaraasyadii kale ee la xidhiidhey dhismayaha iyo waddooyinka dalka iyagoo u
xilsaaray xubnahooda ka shaqeeynjirey hawlaha boobka iyo dhaca.
Waxgaradka, oday dhaqameedyada, bahweynta saxaafadda iyo siyaasiyiinta Somaliland dhammaantood
waxay in badan caddeeyeen in ay jirto koox xagjir ah oo afuudbtay majarihii dawladnimo ee Somaliland.
Waxaa daliil cad u ah hadalladi ka soo yeedhi jirey Mudanayaasha kala ah , faysal Cali
Waraabe iyo odayaasha dhaqanka oo uu ka mid Boqor Buur Madow.
Arintani waxay walaac gelisey dadka nabadda jecel, hay’adaha caalamiga ah ee amniga qaabilsan,
dalalka caalamiga ah iyo kuwa deriska ah, gaar ahaan Ethiopia oo in badan ka digtey khatarta ku soo
food leh xasiloonida siyaasadeed iyo tan horumarineed ee dalka Somaliland. Waxaa xumaaday xiriirkii
dibedda ee ay Somaliland lalad:hayd beesha caalamka.
Maxaa ku soo kordhay saaxadda siyaasadeed ee Somalilan
Xagjirkii Xirsi madaxda uu ahaa oo iswada casilay ka dib markii Madaxweyne Silaanyo garabkoodii ka
baxay si uu dhexdhexaad u noqdo. Mudoo shan sannadood ah ayey tunkiisa iyo awoodda dawladnimo
ku daaqayeen, ummadana ay ku waxyeelleyneyeen. Xagjirku wuxuu Madaxweyne Silaanyo u arkayeen
sallaan iyo awood ay kula wareegaan Waddanka Somaliland.
Xisbigii Kulmiye oo waa cusubi u beryey, diihaalkii iyo burburkii hore ee xagjirku u geysteyna maanta
wuu ka bogsoodey oo dib ayuu u soo noolaaday. Xisbiga kulmiye hore ayaa wax yeello xagjirku u
gaadhsiiyey ee maanta ma aha mid burburaya oo ay waxyeeli-karaan. Maanta cudurkii waa ka baxay.
Xaalkan iscasillaadda ee kooxda xagjirka ah ee Xirsi hoggaamiyo ayaa Boqor Buur Madow ku tilmaamay
inqilaab. Arintani waxay caddeyneysaa in uu jirey inqilaab lagu majaxaabiyey kooxdii xagjirka ahayd ee
dalka afduubtay. Inqilaabkii xagjirka ayaa dhicisoobey oo looga sheekeynmaayo Boqor Buur Madow
sheekada xagjirka maadaama uu wax badan ka digey khatartooda.
Xildhibaan Cabdiraxmaan dheere oo dhawaan hadlay- isagoo eedeynaya Madaxweyne Silanyo iyo
Xisbiga Kulmiyaba islamarkaana difaacaya xagjirka- wuxuu bannaanka soo dhigey in ay jireen godob ay
kooxdan xagjirka ahi ka gashay Qaranka Somaliland waxaana godobtaa geliyey ayuu leeyahay
Madaxweyne Silanyo. Xildhibaanku wuxuu ka soo horjeestey go’aankii saxa ahaa ee madaxweynuhu
qaatay ee dalka lagu badbaadinayey. Xildhibaanku wuxuu hadlay wakhti uu madaxweyne Silanyo
ummadii ka badbaadiyey dhagartii iyo waxyeelladii xagjirku la damacsanaa Somaliland islamarkaana uu
garabkoodii ka baxay. Nasiib-darro Xildhibaanku isagaa maant isku daabacay shabbadii Xirsi.
Hanjabaadihii ka soo yeedhayey xagjirka waxaa ku soo biiray hanjabaad uu jeediyey siyaasi lagu
magaacaabo Kijaandhe. Wuxuu hadalkooda welwel iyo walaac geliyey inta danayneysa xasiloonida iyo
nabadda Somaliland. Hanjabaadahani markey dhaceen waxa islamarkiiba la arkay wefdi dawladda
Ethiopia ka socda oo kala shiray Madaxweyne Silanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye arimo la
xidhiidha amniga iyo xagjirka Somaliland ka jira.
Aragtida dadweynaha beelaha Harti bari Somaliland iyo talabixinta Madasha maddanaha Wacays:
A) Horudhac ku saabsan Madasha Maddanaha Wacays:
Marka hore Madasha Madanaha Wacays waa madasha qortey warbixintii Dawladdii Kalabaydhka iyo tii
Xagjirka Dawladaysan. Labadaa warbixinood waxaa haysta waxgaradka reer Somaliland iyo hay’adaha
amniga ee dalka, kuwa dalalka deriska iyo kuwa caalamiga ahba. Waxaa loo beddelay afka Ethiopia iyo
Ingriiskaba. Madasha ardaageedu wuxuu ku yaalla degmada carrooley ee Xaysimo. Xubnaha ka
sheqeeya ee ku hawlan baadhista iyo ururinta xogta waxay ku suganyihiin dalka gudihiisa iyo daafaha
Horudhacan waxaanu u samaynay sii loo garta waxa ay tahay Madasha Maddanaha Wacays. Waxaa
jirtey in wakhtigii uu Mudane Duur ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha, isagoo ay wada joogaan Mudana
Mijir Qaaddi in ay isla soo qaadeen cidda qortey warbixintii Xagjirka Dawladaysan. Waxay isla garteen,
qiyaas ka dib, in ay qortay mid ka mid ah hayadihii shisheeye ee dalka ku sugnaa. Warbixintaa waxaa la
gaadhsiiyeey waxgarad iyo siyaasiyiin badan
xubno wanaagsan oo markaa ka tirsanaa Nabad sugidda, Safaaradda Ethiopia iyo hay’ado kale. Waxaa
kale oo gacanta loo geliyey nuskhado warbixintaa ah qaar ka mid ah bahda saxaafadda,
B) Aragtida isbedddelka cusub eek u aaddan Beelaha Harti Bari ee Somaliland:
Madashu markey xidhiidh badan iyo deraasad ay samaysay ugu kuur gashay dareenka beelaha Harti
(gudaha iyo dibeddaba) ee ku aaddan isbeddelka cusub ee dhawaantan ka dhacay Somaliland waxayna
ogaatay arimahan soo socda:
Waxa dadku si farxad leh usoo dhaweynayaan isbedelka cusub ee ka dhacay Somaliland.
Waxay ugu hambalyeenayaan Madaxweyne Silanyo go’aankii saxa ahaa ee uu ka qaatay xagjirkii
dawladaysnaa ee lagu badbaadinayey dalka.
Waxay ka soo horjeedaan beelaha Harti Bari in dalka lagu afduubo dimuqraadiyad been ah oo saamaxda
in xagjirku kula wareego dalka.
Waxay madashu ogaatay in dadweynuhu aanay wax cabsi ka qabin guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye sida
ay uga baqayaan- oo kale- xagjirkii dawladeysnaa ee dhawaan dabayshaday. Beelaha Harti Bari, gaar
ahaan reer Laascaanood waxay sheegeen in Guddoomiyuhu soo gaadhay laascaanood 1991kii isagoo ah
oday nadda raadinaya sidoo kalena uu soo gaadhey 1993kii isagoo ah Wasiirka Arimaha Gudaha. Labada
jeerba waxay sheegeen in aanu tegin gobolka isagoo taangi ee beebeeba wata.
Waxay rumeysanyihiin in uu guddoomiyuhu yahay nin karti iyo haladaygba leh kuna filan in uu dalka
cadowga xagjirka ah ka qabto, waddankana badbaadinkara islamarkaana ummada kala yaacdey isu
Waxay rumeysanyihiin in Xisbiga Kulmiye aanu yeelandoonin wax raja ah haddii xubno ka tirsan xagjirku
ku guuleystaan musharaxa madaxweynenimo ee xisbiga.
Sida shacabka Somaliland dhammaantii uu ku baaqayo, wuxuu dadweeynaha Harti Bari doonayaa in
nimankaa xagjirka ah lala xisaabtamo maxkamadna la soo hortaago si ay tusaale ugu noqdaan ciddii
dambe ee damacsan in ay ummada boob, dhac iyo dilba ugu geystaan awoodda loo igmado. Codka
dadku waa muhiim waxaana u xilsaaran arintaa oo laga sugayaa Madaxweynaha Somaliland,
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Guddoomiyayaasha axsaabta kaleba oo iyaguba dhibtada shacabka
C) Talabixinta Madasha maddanaha Wacays eek u aaddan Xisbiga Kulmiya iyo dawladaba:
Waa in si dhab ah oo aan dhayalsi lahayn loo qaata hanjabaadaha xagjirka ka soo yeedhay. Waxaa loo
baahnyahay in loo diyaargaroobi khatartaa iyada ah si fiicanna loo waajoho.
Xisbiga Kulmiye iyo axsaabta kaleba waxaan usoo jeedinaynaa in xubno wax ku ool ah oo aan xagjir ku
abtirsan loo magaacaabo deegaannada Awdal iyo Harti Bari. Waxaan kaloo uga digeynaa axsaabta
siyaasadeed in aanay qaadan lacagta xagjirka ee tartanka doorashada lagu kharashgareeyo. Lacagtaa
waxa eeday Madaxweyne Siilaanyo markii oo is sharxayey waana tan keentay ceebta maanta dhacday
ee khatarta gelisey waddanka.
Waxaan kaloo ka digeynaa in axsaabta siyaasadeed aanay xubneheeda ka mid noqonin xagjir.
Dadweynaha Somaliland, dalalka deriska ah iyo beesha caalamkuba wey yaqaaniin xubnaha xagjirka ah
ee Somaliland muddo daaqayey. Haddii xisbi uu soo dhaweysto islamarkaana uu miciin bido xubno xagjir
ah iyo lacagtooda waa inuu haddeerba sii ogaadaa inuu cidlo fadhiisandoona lacagtoodana uu
eedidoonaa. Shacabka Somaliland wuu eedey lacagta xagjirka ee lagu gumeystey iyaga iyo
Baadhista iyo xog ururinta: Madasha Maddanaha Wacays
Faallo iyo xidhiidh: hersi158@hotmail.com