Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

WARIYE AXMED XASAN CAWKE OO JIGJIGA KU GEERIYOODAY

Allaah haw u naxariistee waxa goor dhaweyd Magaalo Madaxda Dawlad Deegaanka soomaalida Ethiopia ee Jigjiga Ku geeriyooday Marxuum Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa foolaadka Suxufiyiinta Soomaalida.download

Marxuumka oo hada maydkiisa loo soo wado dhinaca Somaliland ayaa waxa lagu soo waramayaa in uu u dhintay wadnaha oo istaagay.

 

Rabbi haw u naxariistee Marxuum Axmed Xasan Cawke waxa uu muddo ka badan 40 sano ku soo dhex jiray warbaahinta caalamig ah,waxaanu ka mid ahaa dadka loogu jecel yahay dhinaca suxufinimada.

axmed Xasan Cawke wuxuu ku biiray Radio Muqdisho 1972 isagoo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada.

Wuxuu ka soo shaqeeyay Telifishankii Soomaaliya , kadibna wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii somaliya.

Cawke wuxuu ku biiray laanta Afka soomaliga ee idaacadda BBC 1996 . wuxuu kaloo ka soo shaqeeyay laanta Afka Soomaaliga ee HCTV , VOA , Telifishanka Universal , iyo Telifishnka Somaliland National TV

xuseen  xarbi

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com