Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shirkadda wadaniga ah ee SBI ayaa Isniintii dorraad daah-furtay nooc cusub oo ka mid ah waxsoosaarka sharaabka shirkadda, kaasi oo ah sharaabka Faantada liin macaanta

Shirkadda wadaniga ah ee SBI ayaa Isniintii dorraad  daah-furtay nooc cusub oo ka mid ah waxsoosaarka sharaabka shirkadda, kaasi oo ah sharaabka Faantada liin macaanta. Warsaxaafadeed ay shirkadu shalay ka soo saartay magaalada Hargeysa, ayaa u dhignaa sidan “SBI waxay Soo bandhigtay daah-furka Sharaabka cusub ee Faantada Liin-macaanta Taasoo ka Qabsoontay  Maanta xafiiska wayn ee shirkada. Madaxa  Hawlgalinta shirkadda sharaabka Mustafe Cisman Geele wuxu sheegay in sharaabka loogu talo galay dhaman bulsho-weynta Reer Somaliland gaar ahaan Qaybaha kala duwan ee dhalinyarada taasoo leh dhadhan tayo leh oo dhamaan dadweynuhu ka heli-doonaan kuna raaxaysan doonaan. Mustafe Cisman Geele waxa uu intaas raaciyay “Faantada midabaysan waxay khaas u tahay dhalinyarada waxaana la tijaabiyay lagana soo saaray

natiijooyin dhinaca dhadhanka iyo tayada sharaabkan.Xaqiiqdii waxa nooga soo baxday Natiijooyin cajiib ah, jawabaha kala duwan ee laga helay macaamiisha wadanka oo dhan , waxanu balaadhin doonaa hormoodna ka noqon doonaa horumarinta iyo soo saaridda taanka  sharaabka noocan oo kale ah isagoo leh noocyo kale duwan”.

Madaxa hawlgalintu Wuxu sheegay in faantada liin-macaanta lagu sameeyay baadhitaan balaadhan qaybaha suuqa ee sharaabka fudud taasoo la xaqiiijiyay in wakhti xaadirkan  suuqa aan laga helin oo dhalinyaradu ka haqab beelin rabitaankooda joogtada ah ee sharaabka u gaarka ah ee ay jecel yihiin balse ay SBI u diyaarisay. Wuxu intaas raaciyay oo kale “ intaas waxa raacaysa in Shirkada SBI ay macaamiisheda isticmaasha faantada liin-macaanta ah ay diyaar ula tahay adeega sharaabka dhinac walba dookhooda nooca faanta-da ay wakhti walba jecel yihin inay macaamiishu helaan dookhooda oo ay  hogaaminayso qaybaha faantada ee shirkadu soo saarto ay ka mid tahayna faanta–staroobariga ah  iyo waliba faantada tufaaxa ka samaysan”

Maxamed  Naasir (Madax Suuq Gaynta sharaabka Shirkada SBI) wuxu sidoo kale sheegay in faantada liin-macaanta ee cusub meel walba oo wadanka gudihiisa ah laga heli karto Caagada 300ml ah  laguna iibinayo lacag dhan 3000 SLSH oo kaliya.

Faantadan liin-macaanta ah waa nooca  sharaabka ugu horreeya ee awooda laga helo, waa nooca saddexad ee ugu wanaagsan sharaabka adduunka ay soo saaraan shirkadaha Coca-cola., waxayna ku dedaalaan inay ugu adeegan macaamiisha ayagoo leh dookhyo/noocyo la kala dooran karo oo kala duwan. Waxa laga soo saara oo laga helaa 198 wadan , faantada waxa la iibiyaa 59 nooc oo kala dhadhan ah, cusbaysiinta dhadhankan cusub ee faanatada liin macaanta waxa loogu talo galay inay ka haqab beelaan dhalinyartu.”

Shirkadda Dhismaha Ee Najax Oo Ku Guuleesatay Dhismaha Aqal Ka Dhaxeen Doona Labada Gole Barlamaan Ee Somaliland

Aqalkan loo dhisay Labada Gole Barlamaan ayaa ah aqal ka kooban Madbacad , Library , Cafeteria iyo qeybo kale .

Waxaana loo  qabtay Munaasibad Kooban oo ka dhacday Barxadda Xarunta Barlamaanka Somaliland .

Waxaana ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan iyadoo dhismahanna ay dhagax dhigeen Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxman Cirro , Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil Iyo Mulkiilaha Shirkadda Dhismaha Ee Najax C/raxman Maxamed Ciise. Waxaana Halkaasi ka Hadlay Masuuliyiin kala duwan kuwaas oo ku dheeraaday Muhimadda Dhismahani u yeelan Doono Barlamaanka. Mulkiilaha Shirkadda Najax Construction Companay C/raxman Maxamed Ciise oo ah shirkadda ku guuleestay Dhismahaa Aqalkan ayaa ka waramay Sida ay ugu guuleesteen Dhismahan Aqalkan waxaanu Yidhi “ Waxaa Ku Tartamay horta shirkado badan , Tartan adag ayaa meesha ka dhacay oo xor ah oo xalaal ah ka dibna annaga ayaa ku guuleesannay ..”

Eng C/raxman Maxamed Ciise oo Si watta Hadalkiisa ayaa sheegay in shirkaddan ay astaan u tahay in ay ku guuleesato mar kasta oo ay gasho tartan xor iyo xalaal ah “ Sideedaba Najax Contruction waxaa astaan u ah Haddii la tartamo oo si xor ah loo tartamo in ay iyadu koobka qaado sida Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee innagu xigtaa ee halkaa ka socotaa annaga ku guuleesannay , annaguan ballan qaadkii aanu sameennay waanu ka soo baxaynaa .

Shirkaddan ayaa ka mid ah Shirkadaha ugu waawayn Dalka iyadoo wax ka dhista badiba Gobolada Dalka Somaliland .

Sidoo kale Shirkaddan ayaa ah shirkadda Bineesay saraha Dhaadheer ee bilicda iyo quruxdaba u soo kordhiyay Caasimadda Hargaysa .

Waxaanay Shirkadaha kale kaga duwantahay waxa ka hawlgala Khubaro caalami ah oo wax ka soo dhisay Wadamada horumaray ee Dunida kuwaas oo isugu jiraa Muwadiniin iyo Ajaanib .

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com