Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gudoomiyaha shabakada wararka ee maanta somaliland.com ahna musharaxa u taagan doorashada baarlamanka ee soo socota mudane xuseen xarbi isagoo ku hadlaaya magaciisa ka taageerayaashiisa iyo ka bahda shabakada maanta somaliland.com waxaa uu tacsi u dirayaa, guud ahaan shacbi weynaha Somaliland,

gudoomiyaha shabakada wararka ee maanta somaliland.com ahna musharaxa u taagan doorashada baarlamanka ee soo socota mudane xuseen xarbi isagoo ku hadlaaya magaciisa ka taageerayaashiisa iyo ka bahda shabakada maanta somaliland.com waxaa uu tacsi u dirayaa, guud ahaan shacbi weynaha Somaliland, Waxgaradka, waayeelka, Boqorada, Ugaasyada, Salaadiinta, Cuqaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo gaar ahaan Bahda Saxaafada, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Weriye Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday dalka Ethiopia gaar ahaan Magaalada Jig-jiga 17/11/2015.

cropped-mmsll.png

musharax xuseen xarbi  waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay guud ahaan inta ku hadasha Afka Soomaaliga, iyo Qaranka Somalilandba, sidoo kale waxa uu ahaa weriye ruug caadaya oo taariikh ma guurto ah kaga tegay dunida, tusaale iyo ku dayasho wacana u ahaa dhamaan Bahda Saxaafada meel ay joogaanba.

musharax wariye xuseen xarbi waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, Waxgaradka, waayeelka, Boqorada, Ugaasyada, Salaadiinta, Cuqaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

MUSHARAX WARIYE XUSEEN XARBI

GUDOOMIYAHA SHABAKADA MAANTA SOMALILAND.COM

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com