Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

DAAWO; Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in cawaaqib xumo ay ka dhalan doonto diyaaradooda dagaal ee Turkigu ku soo riday Suuriya.

Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in cawaaqib xumo ay ka dhalan doonto diyaaradooda dagaal ee Turkigu ku soo riday Suuriya.

Valadamir Putin ayaa dhabarjebin ku tilmaamay weerarka uu militariga Turkigu ku soo riday diyaaradooda dagaalka.

Telefishonka Al-Carabiya ayaa soo bandhigay sawir laga arkaya wax u muuqda maydka mid ka mid ah duuliyaashii diyaaradda.

Militariga Turkiga waxay sheegeen in diyaaradda ay ku soo xadgudubtay hawada Turkiga.

Balse madaxweynaha Ruushka Putin waxaa uu sheegay in diyaaradda ay afar kilomitir u jirtay xadka Turkiga marka la soo ridayay.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com