Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Bin Laden ciidammada Maraykanka ayaa dilay

Cusaama Bin Laden

Hawl galka lagu dilay madaxa ururka Al Qaacida, Cusaama Bin Laden, waxaa fuliyay ciidammada gaarka ah ee waddanka Maraykanka magaalo ku taalla woqooyiga waddanka pakistan. Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama, ayaa hadal ka soo baxay aqalka cad waxaa uu ku xaqiijiyay dilka Bin Laden. wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Pakistan ayaa sidoo kale xaqiijisay in Bin Laden lagu dilay magaalada Abbottabad.

Bin Laden oo dhalashadiisu Sacuudi tahay waxaa uu madax ka ahaa wax lagu sheego ururka argagixiso ee ugu weyn adduunka, waxaana kaloo uu ahaa ninka adduunka loogu doonis badan yahay.

Ururkiisu waxay mas’uul ka ahaayeen weerarro badan oo bartilmaameed looga dhigtay waddammo reer galbeed ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaraxyadii Maraykanka ka dhacay ee loo yaqaan 9/11 iyo kii magaalada London ee la magac baxay 7/7. waxaa kaloo jiray weerarro lagu qarxiyay danaha reer galbeedka ee dalalka Afrikada bari sida Kenya iyo Tanzania.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com