Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay dagaal Degaan koonfur bari ka xiga magaalada Gaashaamo ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia ku dhexmaray beelo ka tirsan Habaryoonis iyo Dhulbahante

ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay dagaal Degaan koonfur bari ka xiga magaalada Gaashaamo ee iswarkiiugudambeeyay-midyarmaamulka Soomaalida Ethiopia ku dhexmaray  beelo ka tirsan Habaryoonis iyo Dhulbahante. Sidoo kale waxaa la sheegay in dad badani ku dhaawacmay isku dhaca labada beelood.

Inkasta oo aanay jirin warar faahfaahsan oo ka soo baxay labada dhinac, waxaa la sheegay in dagaalku ka dhashay khilaaf ku saabsan Barkado degaanka ah, kuwaasi oo sabab u noqday isku dhaca sabtidii dhexmaray labada Beelood.

Odayaasha labada Dhinac ayaa BBC-da u sheegay in labada dhinacba khasaare soo gaadhay. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dawlad degaanka Ethiopia iyo waxgarad kala duwan oo labada dhinac ahi ku hawlan yihiin daminta collaadda iyo sidii xal loogu heli lahaa arrimaha la isku hayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com