Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Suldaan Lagu Xidhay Magaalada Boorame

(maantasomaliland)(Boorame ) Ciidanka amniga ee magaalada Boorame ayaa xabsiga u taxaabay Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye (Sanburad) oo ka mid ah madaxdhaqameedka Gobolka Awdal, kaddib markii sida la sheegay lagu eedeeyay inuu ku kacay ama ay ka soo yeedheen hadallo xiisad ka dhex abuuray beelaha Gobolka Awdal .

Xadhigga suldaankan sida la sheegay uu caleemo saarkiisa ka dambeeyay Maxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, waxaanu ka tirsanaa xisbiga UDUB ayaa la sheegay in xadhiigu ka dambeeyay shir jaraaid oo uu dhawaan ku qabtay magaalada Boorama isla markaana uu ku weeraray beel ka mid ah beelaha Gobolka Awdal ,kuwaas oo uu ku tilmaamay inay ka dambeeyeen wax loogu yeedhay Awdalland oo indhawaaleba qurba joogga reer Awdal qaar ka mid ah debedda ka wadwadeen.

Sidoo kale ayaa la sheegeyaa in arrimaha suldaankaasi loo haysto ay ka mid yihiin hadallo ku jiray shirkiisa jaraa’id oo uu ku weeraray Hoggaanka sare ee ciidanka Booliska ,iyo arrimo kale oo kaga cadhaysiiyey beelaha uu ka soo jeedo madaxweynihii hore ee Somaliland ,Daahir Rayaale.

Dhinaca kale hadalada ka soo yeedhay suldaankaasi ,ayaa dhinaca kale sababay in xubno ka tirsan beelaha uu ka soo jeedo madaxweynahaasi hore iyaguna shabakadaha warbaahinta u gudbiyey jawaabo isugu jira digniino iyo hanjabaadyo ka dhashay shirka jaraaid ee suldaankaasi.

Inkasta oo aanay caddayn cida ka dambaysay xadhiga suldaanka ,hase yeeshee waxa jira warar kale oo sheegeya in qaar ka amid ah nuxurka shirkaasi jaraaid ku jiray ay ahaayeen kuwa dhegxumo u soo jiidaya xukuumadda iyo beelaha gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com