Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumadda Somaliland Oo Shan Wasiir U Dirtay Ka Qeybgalka Xaflada Dhaarinta Madaxweyne Geelle

(maantasomaliland.com) Hargeysa- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo uu weheliyay Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo dhaqanka Md. Maxamed Ibraahim Madar, ayaa maanta u kicitimay dalka Jabuuti oo ay kaga qeyb galayaan xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo markii sadexaad loo dhaarinayo madaxtinimada dalkaasi.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo madaarka Hargeysa ugu waramayay Saxaafada ka hor intii aanay ka dhoofin dalka, ayaa sheegay in dawlada Jabuuti ay xukuumadda Somaliland ku soo marti qaaday munaasibada caleemo saarka iyo dhaarinta Madaxweyne Geelle, waxaanu tilmaamay in Madaxweynaha Somaliland uu u xil saaray inay ka qeyb galaan wefti shan wasiir ka kooban oo sadex ka mid ahi sii joogaan dalka Jabuuti kuwaasi oo kala ah Wasiirrada Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Warfaafinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Md. Xuseen Axmed Caydiid.

“Socdaalkayagu wuxuu ka dambeeyay ka dib marti qaad uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u soo diray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu ku casuumay xaflada dhaarinta iyo caleemo saarka oo 8-da bishan ka dhacaysa dalkaasi ka dib markii Madaxweyne Geelle ku guulaystay doorashadii dhawaan ka dhacday wadankaasi,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

aadan axmed
maantasomaliland.com/office/hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com