Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Munaasibad Lagu Xusayay Sanad Guuradii 9-aad Ee Ka Soo Wareegtay Geeridii Marxuum Cigaal Oo xalay Lagu Qabtay Hargaysa

waxaan dawlada ka codsanayaa in lacagta Somaliland ee la soo daabacayo lagu soo sawiro.. marxuum cigaal .Marwo Kaltuun X Daahir.


(maantasomaliland.com) Hargeysa-munaasibad Balaadhan oo lagu xusayay Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahium Cigaal ayaa xalay lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibadan oo ay soo qaban qaabisay marwadii Koowaad ee Cigaal waxa ka soo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Marwadii Kowaad ee Madaxweyne Cigaal, marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland, Madaxda Asxaabta Qaranka, xubno ka mid ah Golaha Waiiradda, Xildhibaano ka kala tirsan Labada gole ee Baarlamanka Somaliland, qaar ka mid ah Wasiiraddii Xukuumadii hore, Qorayaal, aqoonyahano, Salaadiin iyo Marti sharaf kale oo tiro badan, kuwaasoo Marxuumka Taariikhdiisii iyo aqoontii ay u lahaayeen halkaasi siyaabo kala duwan ugu soo bandhigay.
Marwadii Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal,Marwo kaltuun xaaji daahir oo iyana Munaasibadaasi ka hadashay ayaa codsatay In Lacagta cusub ee dhawaan la soo daabacayo lagu soo sawiro Sawirkii Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Cigaal,iyada oo Xukuumadda ka codsatay in Codsigaasi loo tixgeliyo, isla markaana lacagtaasi Sawirkiisa lagu sharfo “ waxaan dawlada ka codsanayaa in lacagta Somaliland ee la soo daabacayo lagu soo sawiro Sawirkii Madaxweyne Cigaal oo lagu sharfo intaasi”ayay tidhi marwo kaltuun.
Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal waxa kale oo ay Bulshada Reer Somaliland, Daneeyayaasha in la furo Ururada Siyaasada iyo cida ka soo horjeedaba ugu baaqday inay aqbalaan Natiijada ka soo baxda Guddida talo bixinta ee hawshaasi lagu aaminay.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/lahi Ismaaciil (Saylici ) oo ugu horayn Xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal dhidibada u taagay haykalka Dawladnimo ee Somaliland hada ka jira, isla markaana ahaa Madaxweynihii taaba galiyay Qaranimada iyo Nabadgelyada Umadda Reer Somaliland ku naaloonayso maanta, taasoo uu sheegay in loo baahanyahay in lagaga daydo,,isaga oo tilmaamay in lagu soo sawiro Lacagta Cusub ee la soo daabacayo si loogu xusuusto Marxuumka,isla markaana ay Taariikhdiisu u noqoto mid muuqata oo aan qarsoonayn.
Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud iyo guriyaynta Xukuumadda madaxweyne Riyaale ayaa isna sheegay in marxuumku ahaa Madaxweynihii Qaranka Somaliland nabada maanta la dugsanayo aabaha u ahaa, aasaasayna nidaamka Xisbiyada badan iyo Dimuquraadiyada Somaliland ka jirta hada,isaga oo tilmaamay in loo baahanyahay in lagu daydo marxuumka oo Xukuumadda talada haysaa aanay ka gudbin nidaamkii ay uu dejiyay iyo dariiqii uu umadda Somaliland u jeexay.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna Munaasibadaasi ka sheegay in Marxuum Maxamed Xaaji Ibaarim Cigaal ahaa aabihii Nabad iyo qaranimada Somaliland,jirina cid kale oo maanta la bar bar dhigi karaa

xasan xarbi
maantasomali.com
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com