Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in xukuumadiisu ay si deg deg ah uga bedelayso shacbiga gobolka Tog-dheer lacagta Giimbaarta shilin Soomaaliga laga isticmaalo

Burco (maantasomaliland.com) Chief f Cabinet-ku wuxuu sidaasi ka sheegay kulan uu xalay Huteelka City Plaza ee Burco kula yeeshay waxgaradka gobolka Tog-dheer.

Weftigan uu Hoggaaminayo Chief Of Cabinet-ku waxa xubno ka ahaa Maareeyaha Ha’yada Wadooyinka Somaliland ee SRA C/Waaxid C/qaadir C/Raxmaan, Agaasimaha Maamulka ee Komishanka qaranka ee xakamaynta HIV/AIDS C/Kariin Xinif iyo Madaxa xafiiska siyaasada ee madaxtooyada Bashiir Cabdi Xariir.
Kulankaasi waxa ugu horayn ka hadlay madaxa xafiiska siyaasada ee Madaxtooyada Basiir Cabdi Xariir waxaanu waxgaradka Gobolka Togdheer uga waramay waxqabadkii xukuumadda Somaliland ay samaysay sagaalkii bilood ee ay jirtay, waxaanu ku dooday inay dawlada cusub wax weyn ka qabatay dhinacyada horumarinta adeegyada bulshada, siyaasada dibada iyo horumarinta shaqaalaha dawlada.
Bashiir Cabdi Xariir waxa uu sheegay in xukuumada Axmed Siilaanyo ay qorshaynayso inay gobolada dalka ka horumariso adeegyada aasaasiga ah ee bulshada lagama maarmaanka u ah.
Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali X. Xasan oo kulankaasi ka hadlay, ayaa sheegay in socdaalkiisu la xidhiidho sidii uu u qiimayn lahaa xaalada gobolka Tog-dheer isla markaana uu waxgaradka goblolka ugaga warami lahaa xaaladda guud ee dalka iyo socdaalkii uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku tagay dalalka Kuwayt iyo Imaaraadka Carabta

Md. Xirsi Cali X. Xasan wuxuu tilmaamay in socdaalkii Madaxweynuhu ku tagay labadaasi dal uu ahaa guul u soo hoyatay siyaasada dibada ee Somaliland waxaanu ku sifeeyay socdaal midho dhalay. Waxaanu uga mahad celiyay dalalka Kuwayt iyo Imaaraadka meeqaamkii iyo hab maamuuskii sare ee ay ku soo dhaweeyeen weftigii madaxweynaha oo uu xubin ka ahaa.

Chief-ku waxa uu intaasi ku daray in wadamada dunida carabtu xiligan ay u diyaar yihiin inay Somaliland wax la qabtaan, waxaanu sheegay in labadan dal ay dhawaan u soo diri doonaan dalka wufuud indho indhaysa sidii ay u maal gashan lahaayeen Somaliland.
Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in xukuumadiisu ay gobolka Tog-dheer ka bedalayso lacagta giimbaarta shilin soomaaliga waxaanu tilmaamay in lacagta lagaga bedelayaa ay deg deg u imanayso dalka.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Togdheer, xukuumadda u soo jeediyay inay wax ka qabato wax ay ugu yeedheen cadaalad darrada ka jirta dhinaca garsoorka maxkamadaha dalka
xuseen xarbi
maantasomaliland.com/hargaysa/office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com