Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha NEERAD Oo Ka Digay Abaaro Ku Soo Fool Leh Somaliland

Hargeysa (Maantasomaliland)- Guddoomiyha Hay’adda ka hortaga aafooyinka Dabiiciga ah ee Somaliland (NERAT) Dr. Maxmed Muuse Cawaale ayaa sheegay in Soamliland ay soo food saaratay Abaar Iyo Biyo la’aan ba’an, taas oo uu tilmaamay in ay saamayn ku yeelan nolosha dad ka badan 30% .

Dr. Maxamed Muuse Cawaale oo shalay u waramay qaar kamida warbaahinta maxaliga ah, waxa uu sheegay in Hay’ad ahaan ay hadda ku hawlan yihiin oo ay diyaarinayaan qorshihii lagaga hortegi lahaa Abaarahaasi la filayo in ay ku soo fool yeeshaan Somaliland, isla markaana ay Madaxweynaha Somaliland u gudbiyeen qoraallo ku saabsan arrintaas, maalmaha soo socdana ay xukuumaddu si heer caalami ah ugu dhawaaqi doonto abaarahaas.

Guddoomiyaha Hay’adda ka hortaga Aafooyinka dabiiciga ah waxa uu ugu horayn ka waramay Cimiladda iyo xaaladda guud ee dalka, waxaanu yidhi “Sannadkan roobabkii aynu sugaynay maynaan helin, xagaagii dayrta ku xigi jirayna ma aynaan helin, Dayrtanna waxa ku xigaa waa Jiilaal oo waa Roob la’aan, Roobna waxa inoogu horaysa waa dabayaaqda bisha afraad (April) ee sanadka foodda inagu soo yaha, markaasi waxa hubaal ah in hadii Roob la waayo ay abaaro dhacayaan”

Dr. Maxamed Muuse Cawaale waxa kale oo uu intaas ku daray oo uu yidhi “Waxa ay Dawladda Somaliland waddaa qorshihii lagaga hortagi lahaa Abaarahaas dalka ku soo food leh, waxaanu Madxweynaha u gubinay xogta abaartaas, waxa ay Xukuumaddu dhawaan ka yeelan doontaa kulamo, ka dibna marka uu Madaxweynuhu saxeexana waxa si rasmiya Xukuumada Soamliland ugu dhawaaqi doontaa in dalka ay abaaro soo food saareen”

Guddoomiyha Hay’ada ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah ee Somaliland waxa kale oo uu ka waramay baaxadda ay leedahay abaartan iyo Gobolada ugu daran, waxaanu yidhi “Horta abaartu wey kala duwn tahay, tusaale ahaan abaarta ugu darani waa tan ka jirta Gobolada bari ee Somaliland, waa biyo la’aan, waayo wax roob ah oo ka da’ay deegaanadaas ma jiro, Galbeedku isagu waa uu yara dhaamay goboladaas bari, laakiin isagana waxa heshay Diqin ba’an (Qabow) waxaana uu Qabowgaasi saameeyay Dadkii iyo xoolihii, Gobolada ugu darni ee biyo la’aantu ka jirto waa Togdheer, Sanaag iyo Sool, oo waxaaban maqlayey in imika Foostada biyha ahi marayso 20.000 oo Shillig Somaliland ah.” Dr. Maxamed Muuse Cawaale isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Gobolka Awdal waxa ka dhacay Dhulgariir, waxa ugu sii biiray Qabow aad u daran, taasina waxa ay saamaysay nolosha dadka rayidka ah, Xoolihii iyo beerihiina weysaamaysay, waxa uu qabowgaasi daciifiyay dadkii, Qofku marka uu daciifana waxa uu khatar ugu jiraa in ay ku dhacaan xanuuno”

Dr. Maxmed Muuse waxa kale oo ka hadlay saamaynta abaartan iyo sida looga hor tagi karo, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Waxa laga yaabaa in ay Abaartani saamayso nolosha 30% dadka reer Somaliland, sida kaliya ee lagaga hortagi karaana waa in loo diyaar garoobo, hadii ay tahay Dawlada, Shacabka iyo Hay’addahaba, anagu ka Hay’ad ahaan waxa aanu samaynaa laba arimood marka ay abaartu bilaabanto, waxa aanu samaynaa biyo dhaaamin iyo Tuulooyinka ceelasha biyaha leh oo aanu Ijiinada u hagaajino, kuwa biyhu ka dhamaadeena aanu biyo ugu shubno, arintaasi waxa ku baxa kharash aad u badan waxaana iska kaashada Dawlada Somaliland iyo Hay’adaha, Tusaale ahaan waxa sannadii 2008-kii Abaarihii dalka ka dhacay waxa ku baxay 4 ilaa 5 milyan oo doollar”

Xuseen Xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com