Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Diyaaradii Madaarka Hargeysa Ku Xidhan ee Puntland Ku Socotay

Wasiirka Duulista Iyo Hawada SL. Oo shaaca ka qaaday In Ay Diyaaradii U Gudbiyeen Xeer Ilaalinta Qaranka
Hargeysa (MAANTASOMALILAND)- Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay inay qaramadda midoobay u gudbiyeen baadhista diyaaraddii dirayska ciidamadda iyo saanadda milatari u siday maamul goboleedka Puntland ee tobankii cisho ee la soo dhaafay ku xidhnayd Madaarka Hargeysa ka dib markii ay soo wajahday shiidaal yaraani.
Wasiirka arrimaha dibada ahna Guddoomiyaha Guddi Madaxweynuhu u saaray baadhista diyaaradaasi oo u waramayay laanta af soomaaliga ee BBC-da wuxuu yidhi “Guddidii Madaxweynuhu u saaray arrintan diyaaradda waxaanu yeelanay fadhiyo arrintan ku saabsan. Waxaa arrintan marka hore waxa baadhisteeda gacanta ku haysa ciidanka Baadhista dambiyada. Hawshii baadhistuna wali way socotaa. Qalabkii diyaaradaasi siday iyo dadkii saarnaaba waxa loo gudbiyay Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.”
Wasiirku wuxuu sheegay inay arrinta diyaaradaasi ku wargeliyeen golaha ammaanka ee qaramada midoobay waxaanu yidhi “Waxaanu xidhiidh la sameynayay xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan dhinaca Nabadgelyada oo aanu ku wargelinay inaanu aaminsan nahay in qalabka ay diyaaraddani sidaa oo ah dharka milatarigu xidhaan iyo agab kale ay ka hor imanayso go’aankii ka soo baxay golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ee mamnuucayay ka ganacsiga iyo rarida hubka, qalabka Milatariga ee mandaqadda geeska Afrika.markaa Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland waxay qaramada midoobay ka dalbatay in khuburo ka tirsan qaramada midoobay u soo diraan diyaaradan si ay u baadhaan khubaradiina way timid waxaanay baadhis ku sameeyeen qalabka diyaarada saaran. Waxa kale oo ay waraysteen duuliyeyaashii diyaaradaasi waxaanay muujiyeen khubaraddu tuhunkii aanu markii horeba qabnay.waxaanay meel ka dhac ku tahay go’aamaddii qaramada midoobay.”
Wasiirka Arrimaha dibada oo ka jawaabayay su’aal ahayd halka ay rasmi ahaan ka timid diyaaradaasi wuxuu yidhi “Baadhitaankii ay ciidamadda baadhista Somaliland samayeeyeen iyo kuwii khubaradii caalamiga ahayd sameeyeenba waxay caddaysay in diyaaradani ay ka soo duushay magaalada kampalla ee dalka Ugaandha waxaanay ku socotay magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland. Waxaanay soo fadhiisatay madaarka Hargeysa ka dib markii ay sheegatay inay shiidaal yaraani soo waajahday. Arrintan waxa iska kaashanaya xukuumadda Somaliland iyo qaramada midoobay.”
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa uu sheegay in hawl wadeenada diyaaradan oo tiradoodu lix qof tahay ay maxkamadeyn doonaan isla markaana la sii dayn doono laba qof oo u dhashay Koonfur afrika oo rakaab ahaan u saarnaa diyaaradaasi.
Dhinaca kale, xeer Ilaalinta guud ee qaranka ayaa sheegtay inay sii daynayayso laba suxufi oo u dhashay Koonfur afrika oo saarnaa diyaaradaasi kuwaasi oo u shaqeeya Telefishan Maraykan ah.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland wuxuu soo dhaweeyay afti u qaadista madax banaanida laga qabanayo Koonfurta Sudan bisha fooda inagu soo haya isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaan soo dhawaynayaa haddii ay shacbiga ku dhaqan koonfurta dalka Sudan ay soo doortaan inay noqdaan qaran madax banaan.

Xuseen Xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com