Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Badhasaabka gobolka Sool Mudane Cabdillaahi Jaamac Diiriye ayaa been aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay war sheegayay in uu ciidamada amaanka gobolkaasi ay ka diideen sii danynta nin macalin ah oo loo xidhay tuhuno argagixiso

Badhasaabka Sool Oo Beeniyay Inuu Amar Ku Bixiyay Siidaynta Nin Loo Haysto Falal Argagixiso

May 9th, 2011
Laascaanood (maantaSomaliland.com)- , sida uu qoray wargayska Haatuf cadadkiisii 2658 ee soo baxay 8-dii bishan.
Badhasaabka oo galabta khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Shabakada wararka eemaanta Somaliland.com waxa uu yidhi “Waxaan beeninayaa war aan sal iyo raad lahayn war ku soo baxay wargayska Haatuf cadadkiisi Shalay sheegayay in ciidamada amaanku igu diideen amar wargaysku sheegay in aan ku bixiyay in la sii daayo nin la yidhaahdo Maxamed Xasan oo loo haysto tuhuno argagixiso oo muddo siddeed sannadood ah macalin ka ahaa dugsiga sare ee Muuse Yuusuf. Ma jirto wax amar ah oo aan ku bixiyay in la sii daayo eedaysanahaas, waxaan idiin sheegayaa in ninkaas oo ciidamada amaanku ay qabteen ay baadhista dacwadiisu socoto, isla markaana dhawaan la soo gabagabayn doono ka gun gaadhista dacwadiisa, taas oo ka dhigi doonta dambiile ama qof aan wax dambi ag gaysan oo xoriyadiisa loo soo celin doono.”
“Waxa kale oo wax lala yaabo ah in wargayskaasi isla shalay qoray in ciidanka ilaaladaydu ay rasaaseeyeen saraakiil ka tirsan ciidanka sirdoonka gobolka Sool, taasina waa wax been abuur ah oo wargaysku meel uu ka keenay aanan garanaynin iyaga ayaana laga rabaa in ay soo cadeeyaan.” Ayuu yidhi badhasaabka gobolka Sool Cabdillaahi Jaamac Diiriye.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com