Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xeer Ilaaliyaha Guud Oo Sheegay Inay Sii Daynayaan Laba Suxufi Oo Saarnaa Diyaarada Hargeysa ku Xidhan

Hargeysa (MAANTASOMALILAND)- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland Xasan Axmed Aadan, ayaa sheegay in wax dambi ah lagu waayay laba Nin oo Suxufiyiin ah oo saarnaa diyaaraddii u socotay magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland, muddada tobanka cisho ah ku xidhan madaarka Hargeysa oo ay soo fadhiisatay markii shiidaal yaraani soo waajahday.
Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka oo xalay khadka Telefoonka aanu kula xidhiidhnay ayaa sheegay in wax dambi ah aan lagu haynin labadii suxufi oo saarnaa diyaaradaasi isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Labada nin ee suxufiyiin ah ee u dhashay Koonfur Afrika wax dambi ah waa lagu waayay, waxay filim la sameynayeen shirkada Puntland ciidamada u tababaraysa, waa la sii daynayaa.”
Xeer Ilaaliyuhu wuxuu sheegay inay labada dawlood ee Somaliland iyo Koonfur Afrika ka wada hadleen sidii loo sii dayn lahaa Suxufiyiintan.
“Lixda nin ee shaqaalaha Diyaarada ahaa ee Ruushaka ku dhashayna sida ugu dhakhsaha badan ayaanu maxkamad u horgeynaynaa waxaana loo haystaa inay si sharci darro ah u soo galeen hawada Somaliland iyagoo aan fasax u haysan, isla markaana ay ka been sheegeen wixii ay sideen.waxa kale oo ay ku eedeysan yihiin agab iyo hub sharci darro ah siddeen,”ayuu yidhi Xasan Axmed Aadan.
Xuseen Xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com