Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Biyo Yaraan Ba’an oo Soo Food Saartay Buuhoodle Iyo Sicir Barar Saameyay Nolashii danyarta

Buuhoodle (MAANTASOMALILAND)- Magaalada Buuhoodle iyo deegaamada hoos yimaada waxa soo waajahay xaalad biyo yaraan ah oo ba’an, waxaana qaaliyoobay qiimaha biyaha. Biyo yaraanta Magaaladaasi waxa sababay roobkii dayrta oo yaraa.
Foostada biyaha ah ayaa gaadhay 2 Dollar waxaanay arrintaasi saamayn xun ku yeelatay qoysaska danyarta ah ee degan deegaamadda Buuhoodle. Waxa magaalada Buuhoodle dadweynuhu ka cabaan laba Riig oo halkaasi ku yaala hase yeeshee waa biyo qadhaadh oo aad u adag. Dhinaca kale, sida uu ku soo waramayo weriyahayaga Magaalada Buuhoodle waxa kale oo qaaliyoobay qiimaha lagu iibiyo maceeshada daruuriga ah ka dib markii dhawaan shaqaaqaqdu ka dhacday deegaanka Kalshaalle waxa yaraaday isku socodkii Ganacsiga ee Burco iyo Buuhoodle. Xaalada nabad gelyo ee deegaankaasi ayaa xiligan aad u wanaagsan inkasta oo ay laga cabsi qabso inay isku dhacaan laba maleeshiyo beeleed oo sida la sheegay kala fadhiya masaafo aad iskugu dhow.
Xuseen Xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com