Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ugaadhsato Carbeed Oo Lagu Arkay Deegaamo Ka Tirsan Degmada Lughaya

Boorama (MAANTASOMALILAND) Wararka ka imanaya degaanada Lughaya iyo Cabdi Geeddi oo ka kala tirsan gobolada Awdal iyo Hargeysa ,ayaa la sheegey in lagu arkay deegaamadaas ugaadhsato Carbeed oo hawlo ugaadhsi ah ka wada deegaamadaas.
Warkan oo uu magaalada Boorama nooga soo diray weriyaha Wargeyska Maantasomaliland uga soo warama gobolka Awdal weriye Maxamed Cumar Sheekh (HYNE) waxa uu intaas ku daray in dhawrkii maalmood ee u dambeeyey lagu arkayey dhulka miyiga ah ee ku dhow dhow magaalooyinka Cabdi Geedi iyo Lughaya niman lagu tilmaamay in ay yihiin Ugaadhsadeyaal u dhashay wadamada khaliijka Carabta oo ay gacan siinayeen xubo muwaadiniin ahi.
Kuwaasoo sida ay soo sheegayaan dadka reer guuraaga ah ee ku dhaqan deegaamadaasi maalmahanba la arkayey iyaga oo dhulka miyiga ah ku gaaf wareegaya dhawr baabuur oo ah nooca aadka u dheereeya ee Land cruiser-rada loo yaqaano, mararka qaarkoodna Teendhooyin ay sitaan ka dhisanaya meelo cidlo ah oo ka mid ah dhulkaas. Iyada oo warkani intaas raaciyey in nimankaas iyo gaadiidkooduba dhibaato xoog leh ku hayaan dadka xoola dhaqatada ah ee deegamadaas ku nool. Kuwaasoo baabuurtoodu ka didiso xoolaha ay haystaan oo xiligan ah kuwo aad u liita tamar darro xoog lihina ka soo gaadhay abaaro deegaamadaas mudo dheer ka jirey, hase ahaatee baabuurta nimankaasi wataan ku khasabto in ay didaan isla markaana ku daataan dhulka laagahay iyo jeex jeexyada ah halkaasoo ay xoolahaasi had iyo jeer dhintaan ama ku jajbaan, isla markaana baabuurta nimankaasi wataan ku kalifto Baabuurtaasina had iyo jeer ku didiso taasina ay sababto in xoolahaasi ku daataan dhulka laagaha iyo jeex jeexyada ah marka ay ka didayaan guuxa baabuurta nimankaasi wataan, halkaasna xoolo badani ku dhintaan ama ku jajabaan.
Ilaa imika si rasmi ah looma oga dalka ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan nimankaas ugaadhsatada ahi, mana jirto cid xukuumada Somaliland ka tirsan oo ka hadashay arrintani.ugaadhsatadan carbeed ayaa sida la ogyahay waxa dalka ugu dambaysay wakhtigii u talada dalka hayey xisbiga UDUB , xiligaasi kooxo ugaadhsato oo u dhalatay dalka Qadar laga mastaafuriyey dalka ka dib markii lagu arkay degaaanada Lughaya iyagoo ka ugaadhsanaya.
Xuseen Xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com