Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Kalluumaysiga Oo Sii Daayay Maraakiib Shisheeye Ah Iyada Oo Ay Weli Xidhan Yihiiin Maraakiib Ay Leeyihiin Dad Muwaadiniin Ahi

Hargeysa (MAANTASOMALILAND)- Xukuumada Somaliland ayaa shalay sii daysay laba Markab oo ka mid ahaa afar Markab oo ay Ciidamada ilaalada xeebahu 17- kii bishan Dicembar ka soo qabteen xeebta galbeedka ee magaalada Saylac, oo ay sifo sharci darro ah uga kalluumaysanayay.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in labadan markab ay ruqsad ka haysteen Wasaaradda Kaluumaysiga waxaana la sheegay in hore ay u bixiyeen lacag dhan $10 kun. labadan markab ayaa lagu sii daayay uu qoraal u soo qoray ciidamada ilaalada xeebaha Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda.
Labadan markab ee kale oo lagu hayo jasiirada Sacaada diin waxa la sheegay inuu leeyahay nin muwaadin ah oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Yuusuf Dhoolayare, waxaana sida la sheegay ay ruqsad ka haystaan Agaasimaha Guud ee wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda C/Raxmaan Cawil.
Illaa imika lama garanayo sababta labada markab ee shisheeyaha ahna loo sii daayay maraakiibtii muwaadinkaasna wali loo haysto.
Dhinaca kale, Wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badda Md. Maxamed Yaasiin Xasan oo aanu xalay isku deynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayay noo suurto geli wayday inaanu helo ka dib markii uu Telefoonka qaban waayay.
Geesta kalena waxa xeebta galbeedka Somliland ayaa noqotay marin cusub oo ay ka tahriibaan dad ka yimaada koonfurta dalka qalalaasuhu ka jiro ee Somalia, waxaana la sheegay inay sii raacaan doonyaha keena shiidaalka, waxa lagu eedeeyaa masuuliyiinta ciidamadda ammaanka ee gobolka Salal inay dadkaasi socotada ah ka qaataan lacago.
Xuseen Xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com