Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Odayaal, Siyaasiyiin, Madax Dhaqameed iyo Aqoonyahano ka soo jeeda Gobolada Bari ee Dalka oo Guurtida iyo Xukuumadda u soo jeediyay meelmarinta Xeerka Isgaadhsiinta

Odayaal, Siyaasiyiin, Madax Dhaqameed iyo Aqoonyahano ka soo jeeda Gobolada Bari ee Dalka oo Guurtida iyo Xukuumadda u soo jeediyay meelmarinta Xeerka Isgaadhsiinta

Hargeysa ( ) – Odayaal, Madax dhaqameed, Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin ka soo kala jeeda Goboladda Maroodi-jeex, Togdheer iyo Sool ayaa shir ay maanta ku yeesheen Huteelka Shiraaqle ee bariga Hargeysa waxay ku taageereen Xeerka Isgaadhsiinta ee Golaha Wakiiladda Somaliland dhawaan Ansixiyay, waxaanay Golaha Guurtida iyo Xukuumadana u soo jeediyeen in sidaas oo kale ay u meel mariyaan si Dalka looga abuuro shaqo isla markaana loo hirgaliyo Maalgashi kasta oo wax soo kordhinaya

Maxamud Cali Xirsi (Calanle) oo ka hadlay kulankaasi ayaa taageeraay Go’aankii Golaha Wakiiladdu ku Ansixiyeen Xeerka Isgaadhsiinta waxaanu yidhi “Golaha Guurtida waxaanu ugu baaqaaynaa inay sidii Golaha Wakiiladda isku dhaafiyaan Xeerkaasi. haddii kale waanu isa soo hor tumi doonaa, Xeerkaasi waa Xeer muhiim ah oo Dalka Maalgashigiisa suurtogalinaya dadkuna ay ka helayaan Shaqo” ayuu yidhi

Caaqil Maxamed Cali Yuusuf oo ka mid ah Cuqaasha madashaasi fadhiday ayaa isna yidhi ” Golaha Guurtida waxaan u soo jeedinayaa si ay dadku u shaqeeystaan waa inaad dhiirigalisaan Shirkadaha shaqo abuurka ah ee dalka wax u taraya sida Somcable iyo Shirkadaha kaleba waana inaad Xeerkaa Madaxweynaha isku dhaafisaan, waxaan maqlayay Xadhigaa haddii aynu helno inaynu ka maarmayno dhakhaatiirta aynu dibedaha u tagno oo qalab casri ah oo halkan aynu iskaga baadhno ayaa la helayaa, shaqo abuuris badana waa laga helayaayoo dadkaa gidaarada fadhiya mid gaadhi kaxeeya iyo mid farsamo kale ku shaqeeyaba Horumar ayuu inoo soo kordhinayaa” ayuu yidhi

Mahdi Cismaan Buuri oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii ka hadashay arrinta Xeerka Isgaadhsiinta ayaa yidhi” Su’aasha ugu badan ee wakhtigii aan xilka hayay nala weydiin jiray markaanu dibadaha u baxno waxay ahayd maxaad dadka shaqo ugu abuuri weydeen?, wakhtigaas anagu waanu taakulayn jirnay shirkadaha caynkan oo kale ah Somcable na waaba mashruuc balaadhan oo ay shaqo ka helayaan Ardayda faraha badan ee maalin walba Jaamacadaha ka soo qalin jabinayaa. anigu waxaan Xukuumadda iyo Guurtidaba ku dhiirigalinayaa in qof kasta oo Maalgalin samaynaya la soo dhaweeyo” ayuu yidhi

Oday Diiriye Jaamac Guube oo ayaa isna yidhi ” Anigu waxaan ahaa Odayaashii ka qayb qaatay waxay Guurtidu maanta ku faanayso, Guurtida waxaan leeyahay bal Dooxa mara waxa kugu baadhanayaa dhalinyaradii shaqaysan lahayd oo camal la’aan Gidaarada fadhiya, kuwii Qurbaha Joogay way soo noqonayaanmaxaad u haysaan dadkaasi. ilaa Ingiriiskuu uun baynu i’iinyada haynaaye aynu bedelno sidan.” ayuu yidhi waxaanu intaa raaciyay ” Xukuumadda isbedel kama hayno. waxaanu ka haynaa oo kaliya Lacagtii oo dhacday, Raashinkii oo qaaliyoobay iyo xafiisyadii oo xidhmay, waar Shirkada Somcable ee Aqoontii iyo Ragii isugu yimaadeen wax halala qabto” ayuu ku soo xidhay hadalkiisa

Axmed Sigis oo ka mid ah xubnihii hadalada taariikhda ah halkaas ka soo jeediyay ayaa yidhi ” Ingiriiska markii la saarayay nin bay Ummadau ka fadhiyi weyday oo meel walba la taagnaa Ingiriis ha baxo, nin kale ayaa isna odhan jiray ha joogo maalintii danbe ayaa Masaajidadii Berbera Biyihii iyo Laydhkiiba laga jaray isagoon Ingiriiska meel fog ba gaadhin. waxa ninkii laga hayaa ‘ Waar Ingiriis Cadan miyuu gaadhay waar yaa noo soo celiya’ waar diidnay uun yeynaan odhani wax kasta dalka hala keeno oo aan dhibaato inoo keenayn” ayuu yidhi

Abwaan Wali Liibaan oo ka mid ah Suugaan yahanada Dalka oo ka waramay Xikmad Somaliyeed oo ka turjumaysa isda qof walba Dalku ugu baahan yahay ayaa yidhi “maalin dhaweyd markaan maqlay barnaamij dadkaaga la hadal la yidhaa aad baan ugu farxay “Barnaamijka dadkaaga la hadal aad baan ugu farxay wax loola jeeday mooyaane. haddii la wada hadlo waxbaa la isku kordhin Dawlad iyo dadkeedu waa inay wada hadlaan, waa inay wax wada qabsadaan ka Badda ka yimi ee wax wada waa in la soo dhaweeyaa,ka shirkada wadana waa in la soo dhaweeyaa Somcable’na wax aan faa’iido ahayn inooma soo wado’e waa in la soo dhaweeyaa” ayuu yidhi

Maxamed Cabdi Dhinbiil oo ahaa Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Sool ayaa yidhi” wax kasta la wadyoo Salaada in la tukado la isku raac, imika maalmahanba waxaan arkayaa wax kasta oo laga hadlaba in ay dadka oo dhami isku raacsan yihiin Somcable in loo daayo xadhiga Badda hoos maraya, markaa waxaan leeyahay Guurti iyo Xukuumadaeey idina taageera” ayuu yidhi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com