Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumadda Somaliland Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Shirkad Diyaaradeed

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay dacweynayso shirkada diyaaradaha ee Jet link oo sheegtay inay u joojisay duulimaadyadii ay ku iman jirtay madaarka Hargeysa todobaadkiiba laba jeer sababo la xidhiidha ammaan darro.
Sidaasi waxa lagu sheegay shir jaraa’id oo ay maanta xarunta Wasaarada Duulista hawada ku qabteen masuuliyiinta wasaaradaasi.
Ku Simaha Agaasimaha guud ee wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka Siciid Mahdi Ileeye oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id wuxuu yidhi

“Waxa jirtay diyaarad ka diiwaangashan bariga Afrika oo la yidhaahdo Jet link, oo todobaadkiiba laba jeer ka iman jirtay Nairobi-Hargeysa, diyaaradaasi waxay ruqsad ka haysatay wasaarada duulista hawada muddo dhawr bilood ah. Waxa kale oo jirta diyaarad kale oo la yidhaahdo East African Safari Express oo iyana ka timaada Nairobi todobaadkiiba sadex jeer. Diyaarada Jet link waxay ku guul daraysatay inay la tartanto shirkada kale ee ay ka dabo timid ee East African Safari. Diyaarada Jet link waxay madaarka keeni jirtay laba rakaaba ama sadex rakaab ah.”

“Sidaasi darteed markii shirkadaasi ay ku guul daraysatay tartankii ka dhaxeeyay shirkada kale ayay bilowday inay dacaayadeyso ammaanka madaaradda Somaliland oo ay tidhaahdo waxaanu u joojinay nabad gelyo xumo waxaana ka buuxa Alshabaab, waxaanu ummadda reer Somaliland iyo beesha caalamkaba u sheegaynaa inaanay waxba ka jirin arrintaasi oo madaarada dalku ammaan yihiin waxaana u hoyda madaarka diyaaradaha qaramada midoobay, waxa kale oo timaada diyaarada Kenya ka timaada ee East African Safari,”ayuu yidhi Siciid Mahdi Ileeye.
Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Md. C/Risaaq Khaliif Axmed ahna ku simaha wasiirka duulista waxaanu sheegay in wasaarada duulistu ay joojisay ruqsadii ay siisay shirkada Jet link.
“Waxaan caalamka iyo ummadda reer Somaliland-ba u sheegaynaa in warka been abuurka ah ee shirkadaasi ay ku faafisay jaraa’idka inaan sidaasi lagaga hadhi doonin waxaanu qoraal u gudbinay Safiirkeena dalka Kenya oo isaguna dalkaasi shir jaraa’id ku qaban doona si uu u beeniyo hadalka ka soo yeedhay shirkadaasi oo sheegtay inay duulimaadyadeedii u joojisay sababo la xidhiidha ammaan darro ka jirta madaarada dalka,”ayuu yidhi Md. C/Risaaq Khaliif Axmed.
Wasiirka Ganacsiga oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaanu caalamka u sheegaynaa inay shirkadaasi gabtay tartankii u dhaxeeyay shirkada kale madaarada Somaliland-na yihiin qaar amnigoodu sugan yahay.”

xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland.com/office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com