Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Badhasaabka gobolka Gabiley oo kormeer hawleed ku tagay deegaanada woqooyiga gobolkaasi ka tirsan

Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Badhasaabka gobolka Gabiley Rashiid Sheekh Cumar Sheekh Muxumed oo kormeer hawleed ku tagay
deegaanada woqooyiga gobolkaasi ka tirsan oo abaarihii dhawaan dalka ku habsaday ay saameeyeen, waxaanu badhasaabku ugu baaqay Xukuumadda Somaliland hay’adaha Caalamiga ah iyo ganacsatada dalka, in ay u gurmadaan shacbiga deegaanada waqooyiga gobolka Gabilay oo ay saameeyeen abaarihii dalka ka dhacay waxaanu sheegay in deegaanada u sii darani ay kala yihiin Agbar, Caadda, Carmo, Carabsar, laas-dhuure iyo deegaano kale oo dhamaantood ah meelaha ay ku nastaan reer-guuraagu xilliyada ay xeebta ka soo baxaan, waxaanu badhasaabku sheegay in dad farabadan oo reer guura ahi wakhtigan xaadirka ah ku xaniban yihiin Dawyada kale ah Diqsiile, Dhidhin, Kadar iyo Tugri oo dhamaantood ah Waddooyinka ay reer Miyigu ka soo baxaan marka ay xeebta ka soo noqonayaan, waxaanu badhasaabku intaa ku daray, in dad farabadani wali ku hadhsan yahay Dawyada hoostooda oo ay awoodi waayeen in xoolaha intii u hadhay inay ka soo baxaan
Waxaanu baaqay in gurmad dagdag ah lala soo gaadho, iyadoo qoysaska soo baxay ee laga soo raray ay qaarkood markii hore saddex boqol oo neef la dhaadhay ay imika wataan todobaatan ilaa lixdan neef, kuwaas oo waliba ah kuwii gaadiidka lagu soo daad-gureeyay.
Badhasaabku waxa uu ugu baaqay, in dadkaa inta wali hadhsani ay u baahan yhiin in gurmad degdeg ah laga galo sidii iyagana looga soo daad-gurayn lahaa ama Dawga dushiisana loogu gayn lahaa Biyo, Raashin, iyo dawooyin.
Rashiid Cumar Sheekh Muxumed waxa uu ka dhawaajiyey, in ka gobol ahaan ay iyagu intii awoodooda ah ay gurmad iyo kormeer ay ku soo sameeyeen, balse xaaladu ay iyaga ka balaadhan tahay, islamarkaana loo baahan yahay in xukuumadda, ganacsatada iyo hay’adaha caalamigu iska kaashado ssidii wax loogu qaban lahaa ee lagu samato bixin lahaa dadkaasi abaaruhu ku habsadeen ee jilicdasan.

maxamed faarax
gabilay
maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com