Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahaanka Caanka Ah Ee Lionel Messi Oo Cadho Ka Dhex Abuuray Dalka Masar, Ka Dib Markii

Ciyaaryahanka kubbadda cagta ugu wanaagsan waqtigan ee la yidhaha Lionel Messi, ayaa kabo uu damacsanaa in deeq iyo sadaqo kubbadda Cagta Masar ay abuurtay cadho aad u weyn oo lagaga fal celiyey arrintiisaas.

Telafiishanka MBC Masr, ayaa baahiyey warraysi laga qaaday laaciibka u safta kooxda Barcelona maalintii Sabtida, oo uu ku sheegay inuu caan dunida ka yahay, balse dalkiisa Argentina lagaga dhawaaqay inay xaraashayaan kabahiisa si deeq ahaan loogu bixiyo lacagta ka soo baxda, iyadoo arrintaasina cadho xoogan ka abuurtay dalka Masar ee waqooyiga Qaaradda Afrika.

Xubno ka mid ah Barlamaanka Masar iyo soo-jeediyihii telefiishanka barnaamijku ka socday, ayaa laga dhex arkay iyagoo amar ku bixinaya in kabahiisa loo geeyo, isla markaana uu dadka saboolka ah ee Argentina ku caawiyo.

“Kabahaaga yaad ka iibinaysaa, Messi? Imisaad u malaynaysaa in ay goynayaan? Ma ogid in cidida yar ee ilmaha Masriga ah ay ka qiimo badan tahay kabahaaga? Iska hayso kabahaaga amma u iibi Israa’iil? Meessi, Masaari ahaan 90 milyan baannu nahay, qiimo leh, kabona waannu haysanaa,” ayaa ka mid ahay erayada dadka Masaarida ah ka soo baxay.

“Lacagta kabaha dadka la siiyey ma cuno. Waxa aan fahmi lahaa haddii uu dharkiisa Barcelona u iibin lahaa Masaarida in la aqbali lahaa, balse kabo maya. Waa bahdilaad Masaarida ah, mana aqbalayo bahdilaadan. Masaaridu yaanay cunto helin ba, balse qiimo ayey leeyihiin. Masar waligeed lama bahdilin xadaarada dheer ay leedahay xataa marka dib loogu noqdo.” Erayadaasina waxa ay sidoo kale ka baxeen masuuliyiin u dhashay dalka Masar oo ka cadhooday kabaha Messi ee la sheegay in lagu caawin doono dadka Masaarida ah.

Dunida islaamka ah in kabaha la isku tuuro amma la isku soo fiiqo waxa ay ka tahay cay iyo bahdilaan, iyadoo Afhayeenka ururka Kubbadda Cagta Masar oo arrintan ka hadlay uu sheegay in aannu kala fahmi karin in ciyaartoyga Messi u badheedhay inuu kabihiisa ku caawiyo dadka Masar iyo inuu ku kaftamayey arrintaas.

8812acd2-7c73-4565-b630-17faa5cc2821_4x3_690x515 - Copy

“Waan ku wareeray, inuu (Messi) ugu talagalay bahdiladayada, kadib waxaan ku leeyahay in ay ku fiican tahay inuu kabahan madaxiisa dhigto iyo waliba madaxa dadka taageera. Uma baahnin kabahiisa, umana baahnin sadaqo ka timaad Yuhuudda amma dadka Israa’iil. Kabahaaga sii dadkaaga, iyadoo saboolnimadu ku baahday waddankaaga Argentine,” ayuu yidhi Afhayeenka u hadlay Xidhiidhka Kubadda Cagta ee Masar.

Haweenay weriye ah oo magaceedu yahay Mona El-Sharkawy oo waraysiga laga cadhooday ka qaaday laacibka Messi, ayaa sheegtay in si khalad ah loo fahmay hadalka Messi, isla markaana deeqda kabihiisa ah aanay ahayn mid loogu talogalay dalka Masar.

“Waa been-abuur, waan la yaabay. Maan odhan waxaannu sadaqo u siin doonaa Masar amma goob kale. Ma garanayo sababta ay u yidhaahdeen wuxuu u hadiyadaynayaa Masar. Lama odhan arrintan,” ayey tidhi gabadha suxufiyadda ah ee waraysatay Messi.

Hasa yeeshee, ciyaartoyga la yidhaah Messi, ayaan ilaa hadda ka jawaabin eedaymaha loo jeediyey ee xiisadda kulul ka dhex abuurtay dalka Masar.

index2332

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com