Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyaha Booliska Oo Sheegay Inay Si Adag U Adkeeyeen Ammaanka Somaliland Baaqna U Diray Shacbiga “Waxaan Leeyahay Shacbiyow Anagaa Indho Qudhaanjo Iyo Indho Libaaxba Leh ee Nagu Seexda”

Taliyaha Booliska Oo Sheegay Inay Si Adag U Adkeeyeen Ammaanka Somaliland Baaqna U Diray Shacbiga
“Waxaan Leeyahay Shacbiyow Anagaa Indho Qudhaanjo Iyo Indho Libaaxba Leh ee Nagu Seexda” Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) ayaa sheegay inay aad u xoojiyeen ammaanka gobolada iyo degmooyinka dalka si ay uga hortagaan falalka cadowga Somaliland ay ku soo hujuumi karaan munaasibada sanad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland oo ku beegan arbaca fooda inagu soo haysa ee 18-ka May.
Taliyaha ciidanka Boolisku wuxuu sheegay in ciidamada Somaliland ay ku filan yihiin sugida ammaanka waxaanu dadweynaha u soo jeediyay inay si nabad gelyo ah ku dabaal degaan isla markaana dhegaha ka furaystaan in la cabsi geliyo.
Cilmi Rooble Furre wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa ka dib kormeer isaga iyo Taliye Ku Xigeenkiisu ay ku soo mareen saldhigyada Booliska ee shanta degmo ee caasimada Hargeysa.
“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca ciidanka Booliska Somaliland waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacbiga Somaliland oo aan leeyahay ku raaxaysta dabaal dega la soo noqoshada madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland, Haddii aanu adduunku ina aqoonsanna ILAAHAY ayaa ina aqoonsan oo waxaynu nahay ummad muslin ah, waana inaynu isku kalsoonaanaa dhulkeenu waa dhul qaydhiin nin walibana wuu ku khasban yahay inuu inoo yimaado,”ayuu yidhi Taliyaha ciidanka Boolisku.
Cilmi Rooble Furre oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Xaga Nabadgelyada warar badan iyo bacayn (cabsi gelin) ayaa jirta dadweynoow ciidanka Booliska, ciidanka qaranka, ciidanka asluubta iyo ciidanka wardoonka Somaliland ee aad leedihiin sidaad horeba ugu seexateen u aaminsanaada, dhulku waa nabad Anagaa indho qudhaano iyo indho libaaxba leh cid soo geli kartaa meel inagama heli karto.”
Taliyuhu wuxuu sheegay in codowga Somaliland ay mar walba ka adkaan doonaa “Waxaan idin leeyahay shacbiyoow anagaa idiin soo jeednee si wanaagsan u ciida, anagaa idiin soo jeednee si wanaagsan u cibaadaysta,”ayuu yidhi Taliyaha Booliska Somaliland
maantasomaliland.com
xuseen xarbi
hargaysa office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com