Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wefti balaadhan oo goob joog ka noqda u soo diray munaasibada sanad guurada 20-aad

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wefti balaadhan oo goob joog ka noqda u soo diray munaasibada sanad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii Madax banaanida Somaliland oo maalinta bari ah si weyn looga xusayo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.
Weftigan ka socda dalka Jabuuti waxa Hoggaaminaya Wasiirkii hore ee Gaashaan dhiga Jabuuti Aougure Kisle, waxaana xubno ka ah Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jabuuti Jaamac Maxamuud Xayd, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jabuuti Iyo Ganacsato reer Jabuuti ah.
Weftigan waxa madaarka Magaalada Hargeysa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaanu xukuumadda jabuuti uga mahad celiyay weftigan ay u soo dirtay inay ka qeyb galaan sanad guurada 20-aad ee dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland.
Dhinaca kale, shacbiga Somaliland ayaa si weyn iskugu diyaariyay weyneynta munaasibada 18-ka May ee maalinta bari dalka iyo dibadiisaba ka dhacaysa waxaana magaalada Hargeysa meel walba lagu iibinayaa calamo, istiikaro iyo marooyin lagu soo xardhay calanka qaranka Somaliland oo dadweynuhu ay lacag ku iibsanayeen.
Waxa kale oo rikoodhada gaadiidka yar yar laga dhegaysanayaa heeso wadani ah oo taageeraya madax banaanida qaranimada Somaliland.

xuseen xarbi
maantasomaliland.com
hargaysa office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com