Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa ka sii daysay Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil iyo Muuse Cali Aw Yuuusuf,

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa ka sii daysay Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil iyo Muuse Cali Aw Yuuusuf, oo falal argagixiso u xidhnaa ayaa maanta xoriyadoodii loo soo celiyay ka dib madaxweyne Axmed Siilaanyo cafis u fidiyay.
Sh. Maxamed Ismaaciil waxa uu jeelka Hargeysa ku xidhnaa todobadii sanadood ee la soo dhaafay, halka Muuse Cali Aw Yuusuf isaguna ku xidhnaa muddo lix sanadood ah.
C/Raxmaan Sh. Cumar oo ka mid ah ehelada Sheekh Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in codsigoodii madaxweynuhu ka aqbalay oo xoriyadiisii loo soo celiyay sheekhaasi.
“Waxaan rabaa inaan dareenkayga u soo gudbiyo umadda reer Somaliland anigoo ku hadlaya ehelada Sheekh Maxamed Sh. Ismaaciil waxaan mahad naq balaadhan u soo jeedinaynaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) anagoo uga mahad celinayna sii daynta sheekha,”ayuu yidhi C/Raxmaan Sh. Cumar.
Sidoo kale, Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sii dayntiisa. “Waxaan xidhnaa muddo todoba sanadood ah, aad iyo aad ayaan u faraxsan nahay waxaan ugu horayn u mahad naqaynaa ILAAHAY oo fadliga iyo deeqda bixiya, jeelkuna wuu kadeed badan yahay daalna wuu iga muuqdaa waayo muddo badan ayaan caalamka ka maqnaa. Waxa igu haboon inaan u mahad naqo ummadda islaamka ah iyo wixii magacayga yaqaana, cidii xadhigaygu cidhiidhiga ku ahaa iyo cidii ka hawl gashay sii dayntayda, waxaad moodaa inaan u ekahay ilmo yar oo imika soo dhashay oo uurkii hooyadda ka soo baxay mar labaad,”ayuu yidhi Sheekh Maxamed Ismaaciil oo maanta u waramayay laanta afsoomaaliga ee VOA-da, waxaanu intaasi raaciyay “Inshaalaahu waxaan rajaynayaa inaan bilaabo nolol cusub.”
Cafiskan ayaa ku soo beegmay maalin ka hor munaasibada sanad guurada 20-aad ee dib ula soo noqoshada Madax banaanida Somaliland.

xuseen xarbi
maantasomaliland.com/hargaysa/office
harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com