Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wakiilka dawladda Somaliland u qaabilsan kaydka haamaha shidaalka Berbera Mr. Cismaan Cabdi Barkhadle (Shiine), ayaa xabsiga u taxaaabay masuuliyinta hHaamaha Kaydka Shidaalka

Wakiilka dawladda Somaliland u qaabilsan kaydka haamaha shidaalka Berbera

Mr. Cismaan Cabdi Barkhadle (Shiine), ayaa xabsiga u taxaaabay masuuliyinta hHaamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera, kadib markii ay diideen in ay ka qaybqaataan xuska dabbaaldegga 20-guurada dib-ul soo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo ku beegan Arbacada berri.

Agaasimaha Haamaha Shiidaalka Berbera oo ka hadlay sababta uu amarka ugu bixiyey in xabsiga la dhigo madaxda haamaha shidaalka, waxa uu sheegay in qorshahoodu ahaa inay si ballaadhan uga qaybqaataan xuska 18 May oo shirkadaha kale iyo hay’adaha Gobolka Saaxil diyaar u yihiin inay si wada jir ah uga qaybqaataan munaasibaddaas, balse masuuliyiinta la xidhay ka dhego-adaygeen arrintaas, isaga oo tilmaamay in haddii ninka doollar mushahar u qaataa uu ka qaybgeli waayo xusaska maalmaha qaranka Somaliland aanay dadka kalee caadiga ah iyo bilaa camalku ka qaybqaadan doonin.

Waad ogtihiin oo waxa lagu jiraa diyaargarawga dabbaaldegga 18-ka May, markaa aniga iyo masuuliuiinta TOTAL waxaannu galnay shir sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen xuskaa ballaadhan maamulka iyo shaqaalahu kaga qaygalayaan munaasibadda 18-ka May sida shirkadaha kale ee dalka, markaa waxay yidhaahdeen annagu ka qaybqadaan mayno xuskaas, laakiin shaqsi-shaqsi ayaanu u tagaynaa, taas oo runtii meel-ka-dhac ku ah qaranka Somaliland, markaa anigaa qoray waraaq, dabadeed waan xidhay. Adeer, haddii ka doollarka qaataa uu maanta diido xuska 18 May, ka darbiga jiifaana xusi maayo,” ayuu yidhi Shiine oo saxaafadu wax ka weydiisay sababta masuuliyiintaas loo xidhay.

Masuuliyinta haamaha oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino arrintaas ayaanay noo suurtagelin.

Sida la ogyahay dabbaalegga sannadkan ayaa ka wayn kuwii hore maadaama Jamhuuriyadda Somaliland u buuxsan tahay 20 sanno oo ay madaxbannaanayd, taas oo shirkadaha ka hawlgala Gobolka Saaxil dhammaantood diyaargaraw ballaadhan ugu jiraan xuska 18-ka May ee soo socda.

Dhinaca kale, waxa shalay haawanayey kaalmaha shidaalka Berbera oo aan hayn shidaalka baaatrool ah, taas oo sababtay in baaburtu is daba wareegaan, iyagoo hadba kaalin waydiinaya shidaal, ilaa iminkana ma cadda sababta keentay shidaal-yaridan keentay, waqti lagu gudo-jiro diyaargarowga xuska maanta qaranka Somaliland ee 18 May.

Waxa kaloo shidaal yaraan iyo shidaalka oo qaaliyoobay laga dareemay caasimadda Hargeysa iyo deegaanno badan oo Somaliland, iyadoon ilaa hadda si rasmi ah loo garanayn sababta keentay arrintaas ee ku soo beegantay xuska 20-guurada dib-ul soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba si ballaadhan looga xusi doono.

Ma aha markii u horraysay ee shidaal yaraan noocan oo kale ah soo foodsaarto Somaliland .

cismaan xasan

berbera

maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com