Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

(war degdeg ah )Waxa caawa fiidkii ee goor dhawayd lagu dilay magaalada Laascaanood Alle ha u naxariistee Ku simihii Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Sool

Laascaanood (maantaSomaliland.com)- Waxa caawa fiidkii lagu dilay xaafada koonfurta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool Alle ha u naxariistee Ku simihii Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Sool ahaana Gudoomiye Ku Xigeenka Maxkamadaasi Marxuum- Maxamed Ibraahim Samatar. ka dib markii niman hubaysan oo madaxa soo duubtay ay rasaaseeyeen isagoo lugaynayay kuna sii socday gurigiisa.
Waxa kale oo ku dhaawacmay falkaasi nin rayid ah oo la socday Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Sool, sida uu shabakada wararka ee maanta Somalilan.com u xaqiijiyay Suxufi degan Magaalada Laascaanood.
Dilkan ayaa ku soo beegmay iyadoo gobolada iyo degmooyinka Somaliland oo dhan maalinta bari si weyn looga oogayo dabaal dega sanadguurada 20-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland.
Waxa kale oo dilkani ku soo beegmay iyadoo ay magaalada Laascaanood ku sugan yihiin wefti ka socda xukuumada Somaliland oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Warfaafinta iyo wacyi gelinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade isla markaana xubno ka yihiin Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka oo ka soo jeeda gobolkaasi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.
Guddoomiyihii Maxkamada Gobolka Marxuum Maxamed Saleebaan Abgaal ayaa 14-kii bishii April lagu dilay magaalada laascaanood waxaana xilkan si ku meel gaadh ah u sii hayay Guddoomiye Ku Xigeenkiisii oo caawa lagu dilay Laascaanood.

xuseen xarbi
maantasomaliland.com/hargaysa/office
harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com