Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland u qaabbilsan arrimaha Bariga Gobolka Sanaag Mr. Sahal Maxamed Jaamac, ayaa ka deyriyey xaaladda dadka ku dhaqan degmada Dhahar

La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland u qaabbilsan arrimaha Bariga Gobolka Sanaag Mr. Sahal Maxamed Jaamac, ayaa ka deyriyey xaaladda dadka ku dhaqan degmada Dhahar oo Roobab khasaare nafeed iyo mid maalba geystay ka da’een, isaga oo La-taliyuhu Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole ku eedeeyey inuu amar ku bixiyey in Dhahar laga jaro khadadka Isgaadhsiinta ee Shirkadaha Golis iyo Telecom oo xaruntoodu tahay magaalada Boosaaso, ka dib markii dagaalkii Galgala lagu jabiyey Ciidanka Puntland.
La-taliyaha Bariga Sanaag ee Madaxweynaha Somaliland, Sahal Maxamed, waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi kooban oo uu Weriye Cabdifataax Mursal oo Dawan ka tirsani khadka taleefanka kula yeeshay Xalay isagoo La-taliyuhu jooga Caasimadda Hargeysa, isla markaana waxa uu sheegay in Roobab Mahiigaan ah oo maalmihii u dambeeyey ka da’ayey deegaannada Degmada Dhahar ay

dhibaatooyin gaadhsiiyeen magaalada Dhahar oo uu sheegay inay ku taallo meel godan ah, taasoo ay ku fataheen Dooxooyin dhawr ah. “Biyaha magaalada ku fatahay waxay ku dhintay illaa laba qof, Guryo badanina way ku dumeen. Laakiin, waxa dhibaatada ugu weyni ka taagan tahay inaan wax xidhiidh ah lala samayn Karin Dhahar, sababta oo ah labada Shirkadood ee Isgaadhsiinta Golis iyo Telecom oo marka horeba dhinaca Boosaaso nagaga yimi oo xaruntoodu tahay, ayaa laga jaray khadkii Taleefanka iyo Internet-ka tan iyo maalintii dagaalkii deegaanka Galgala ee lagu jabiyey Ciidnka Galgala dhacay, ka dib markii uu Madaxweynaha Faroole amar ku bixiyey in khadka isgaadhsiinta ee labadaas shirkadood laga jaro Dhahar.”
Mar uu La-taliyuhu ka jawaabayey, su’aal laga weydiiyey sababta ay Puntland u bixisay amarka Isgaadhsiinta labadaas shirkadood lagaga jaray degmada Dhahar ee Bariga Gobolka Sanaag ee Somaliland, waxa uu ku jawaabay; “Walaal waxa weeye xarumaha labadan Shirkadood ee Golis iyo Telecom ee ku yaalla dhinaca Boosaaso ayaa khadka Isgaadhsiinta meesha soo gaadhsiiyey, Dhaharina waxay aad ugu dhawdahay dhinaca Boosaaso, markaa ma garan karno ujeeddada ee illaa maalintii dagaalka Galgala dhacay wax isgaadhsiin ah oo ka shaqaynayaa Dhahar ma jiro. Waxaannu la xidhiidhnay Madaxda labada Shirkadood ee Telecom iyo Golis, waxay labadooduba noo sheegeen in Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ku amray inay ka jaraan isgaadhsiintooda degmada Dhahar.”
“Markaa, waxaan odhan karaa Shirkadaha Golis iyo Telecom maaha shirkado Ganacsi ee waxay noqdeen shirkado siyaasadeed, sidaa daraaddeed, waxaan dawladda Somaliland ka codsanayaa, uguna baaqayaa inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan labadaa Shirkadood, maaddaama oo ay yihiin kuwo ka amar-qaata cadawga Somaliland, waana in Cashuurta lagu leeyahay iyo Ganaax dambiga ay galeen laga qaadaa oo ay caadi u shaqeeyaan, laakiin inay cadawga Somaliland ka amar-qaataan oo ay Cuna-qabatayn saaraan dadka degmada Dhahar ee reer Somaliland, mana aha in loo dul-qaato waxa ay samaynayaan.” Ayuu yidhi La-taliyaha Madaxweynaha ee deegaannada Bariga Gobolka Sanaag Sahal Maxamed Jaamac.
La-taliye Sahal, waxa uu sheegay inuu Shirkadda Isgaadhsiina SOMTEL Masuuliyiinteeda xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo la sameeyey xidhiidh, si ay isgaadhsiintooda u gaadhsiiyaan degmada Dhahar. La-taliyaha oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Waxaan la hadlay SOMTEL, Badhan baa la sii wadaa ayuu igu yidhi, markaa waxaan leeyahay waa inay shirkada kale ee Isgaadhsiintu ka faa’iidaystaa fursaddaas, maaddaama oo ay Golis iyo Telecom noqdeen shirkado Siyaasadeed oo cadawga Somaliland ka soo horjeeda ka amar-qaataan.”
Sahal Maxamed Jaamac oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay deegaannada kale ee Bariga Sanaag la qabaan Degmada Dhahar iyo inay iyada oo kaliya ku kooban tahay jaritaanka isgaadhsiintu iyo inuu dawladda Somaliland la socodsiiyey arrintaas, waxa uu ku jawaabay; “Waa Dhahar oo qodha iyo Galgala inta laga jaray Isgaadhsiinta labadaas Shirkadood. Intii aannu Hargeysa joognayna waxaannu ku jirnay hawl oo mar dambe ayaan Madaxweyne ku-xigeenka u sheegay, dawladdu markaa way la socotaa, wixii tallaabo ah ee ay qaadaysaana waa mid u taalla, waana lama huraan in tallaabo laga qaado, masuuliyiinta dawladda ayaannu ka war-sugaynaa.
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/0ffice

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com