Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidamadda Qaranka Somaliland oo Hawlagalo Amaan Ka Fuliyay Deegaanadda Xuduudka Ethiopia iyo Somaliland

Warar oo ka imanaya deegaanadda hoos yimaadda gobolka togdheer aya sheegaya in Ciidamada qaranka Somaliland ee Millitry-ga aya shalay galinkii danbe ila xalay la waregeen amaanka degaanada Xaaji Saalax oo kamida deegaanada gobolka Daaadmadheedh iyo duruqsi oo iyadun kamidaa gobolka togdherr isla markaan  xuduudka u dhaxeeya dawladaha somliland iyo itoobiya.

ciidanka qaranka somalilandWaxana warar hoose aanu helaynaaa ay shegayaan in ciidamadaasi tirada badan ee lagu daadiyay degmda xaaji Saalax Iyo  Duruqsi laga raray taliska guud ee magaalada hargeysa iyaga oo ciidamaduna sida nalo sheegay ay habeen hore ka baxeen magaalada hargeysa.

 

Ciidamada tirade badan ayaa la sheegay markiii ay gaadheen deegaanadaasi ay xalay ilaa shalay galinkii danbe ay si toosa ula waregeen amaanka deegaaanada oo mudooyinkii u danbeeyeyba ay ku wareegayeen ciidamada News Police-ka ee dawlada deegaanka Somali Itoobiya, kuwaasi oo dhawan fal aad u xun ka gaystay degmada balli-dhiig oo kamida gobolka togdheer isla markaana ay si kibir iyo jees jees ku jiro ugu jarjaray calanka qaranka Somaliland taasi oo ay uga cadhoodeen bulsho waynta deegaaanadaasi.

Sidoo kalena wararka aan helayno ayaa tibaaxaya in ciidamada qaranka Somaliland ay dhafeen xadka Somaliland ee ay la wadagto dawlada itoobiya iyaga oo deegaanadaasi kusoo bandhigay dhoolo tusyo ay ku muujinayan qaranimda Somaliland.

Wakhti xaadirkan degmada balli-dhiig aya ah mid xaaladeedu guud dagan tahay kadib markii ay ciiidamada qaranka somaliland gaar ahaan guutada 17-AAD ee aaga bari Somaliland soo gaadheen degmada ayna la wareegeen amaanka degmada balli-dhiig.

Bulshada deeganadaas ayaa ula dhacay talaabada ay qaaden ciidamada qaranka Somaliland ee ay ku sugeen amaanka deeganadaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com