Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dawlada dalka Kenya ayaa markii u horaysay shaaca ka qaaday inay taageersan tahay aqoonsi la siiyo madax-banaanida qaranimadda Somaliland, sida uu faafiyay TV-ga wadanka Iran ee Press TV.

Nairobi (maantasomaliland.com)- Dawlada dalka Kenya ayaa markii u horaysay shaaca ka qaadaaday inay taageersantahayaqoonsi lasiiyo madaxbanaanida qaranimada somaliland sida uu faafiyay t v ga wadanka iiraan ee press

* Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya Richard Onyonka, ayaa sheegay in dalkiisu ay dawlada Midowga Afrika ku dhiiri gelinayaan inay si buuxda u aqoonsadaan Somaliland.

.

Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibada waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad uu ka jeediyay xafladii lagu xusayay sanad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland oo Jaaliyada Somaliland ee wadanka Kenya ay ku qabteen magaalada Nairobi 18-kii May.
Mr. Richard Onyonka, waxa uu sheegay in dalkiisu diyaar u yahay aqoonsiga Somaliland.
Dhinaca kale, Maxamed Saalax oo ka mid ah Muwaadiniinta Somaliland ee ku dhaqan wadanka Kenya oo xaflada dabaal dega ka qeyb galay ayaa TV-ga Press TV u sheegay in dalkiisa Somaliland uu u qalmo in la siiyo aqoonsi buuxa.

“Waxaanu samaynay deganaansho aanu ka hirgelinay gobolka qasan, taasina waa inay beesha caalamka ku riixdaa inay aqoonsadaan madaxbaanidayada qaranimo ee aanu xoriyadaydii kala soo noqonay Soomaaliweyn,”ayuu yidhi Maxamed Saalax, oo la hadlayay Press TV.

Waa markii u horaysay ee sarkaal ka tirsan wadanka Kenya uu sheego inuu dalkiisu wadamada Afrika ku boorinayaan sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland.
xuseen xarbi
maantasomaliland/hargaysa/office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com