Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ururka horumarinta fikirka xorta ah oo ka kooban ardayda jaamacadaha dalka ayaa habeenkii xalay soo qabanqaabiyay dood cilmiyeed nuxurkeedu ahaa sidii ay Somaliland aduunka uga heli lahayd citiraaf caalamiya oo buuxa.

Hargeysa(maantasomaliland) Ururka horumarinta fikirka xorta ah oo ka kooban ardayda jaamacadaha dalka ayaa habeenkii xalay soo qabanqaabiyay dood cilmiyeed nuxurkeedu ahaa sidii ay Somaliland aduunka uga heli lahayd citiraaf caalamiya oo buuxa.

Doodan oo lagu qabtay hotelka Imperial ee Magaalada Hargeysa waxa ka soo qaybgalay siyaasiyiin caan ah, aqoonyahano, abwaano iyo marti sharaf kale oo tiro badan, waxaana doodan si qoto dheer loogu lafaguray horumarkii ay Somaliland ku talaabsaday muddadii ay jirtay oo ay noqotay deegaanka xasiloon ay ka jiraan maamul iyo kala dambayn, halka dalkii ay ka goosatay ee Soomaaliya uu hoy u noqday deganaansho la’aan ragaadisay in ka badan labaatan sanno

Guddoomiyaha ururka horumarinta fikradaha xorta ah Xamse Xaaji Dool oo ka hadlay munaasabadii doodan ayaa sheegay in ururkooda loo aas-aasay sidii ay dadka ugu wacgelin lahaayeen wadajirka iyo midnimada dalkooda, iyaga oo bartilmaameedkooda koowaad ka dhigay sidii ay shacabka Somaliland aduunyada ugala doodi lahaayeen wax ay xaq u leeyihiin oo ah aqoonsi buuxa, waxana uu yidhi” Ururkkayagu waxa uu dadka ku baraarujiyaan iskaashi dhexdooda ah oo ay ku muujinayaan midnimadooda oo ah sida kaliya ee ay caalamka uga dalbanayaan aqoonsi”

Cali Maxamed Warancade oo ah wasiirkii duulista hawada iyo gaadiidka cirka ee xukuumada Madaxweyne Rayaale ayaa sheegay in Somaliland ay horumar laaxad leh ku talaabsaday muddadii ay jirtay, iyada oo ay dalka ay ka dhaceen doorashooyinka dimuqraadiyada oo ay beesha caalamka markhaati ka ahayd sidii ay u dhaceen, kuwaasoo aan ka dhicin dalal badan oo ka tirsan aduunyada saddexaad, laakiin aanu fahmi Karin sababta dhabarka loogu jeediyay shacab dalkooda ka badbaadiyay colaadaha ka taagan meelo badan oo ka mida mandaqada Geeska Afrika, waxaana uu dadweynaha reer Somaliland u soo jeediyay in ay gacmaha isqabsadaan si ay u gaadhaan himiladooda.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa ugu baaqay xukuumada Somaliland in ay meel mariso ballanqaadayadii ay samaysay si ay dadweynaha uga saarto dhibaatooyinka haysto oo ah qaar maraya meel halis ah, ka hor inta aan aqoonsi laga raadin wadamada reer Galbeedka

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com