Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xubno ka mid ah Ardayda reer Somaliland ee waxbarashadooda heer jaamacadeed ka soo dhamaystay wadanka Malaysia ayaa shalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Xubno ka mid ah Ardayda reer Somaliland ee waxbarashadooda heer jaamacadeed ka soo dhamaystay wadanka Malaysia ayaa shalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ay ku hambalyeeyeen munaasibada sanad-guurada 20-aad ee 18 May darteed.
Madaxweynaha Ardaydu waxay ku bogaadiyeen dedaalka hogaamineed ee uu dalka ku hagayo, waxayna xuseen inay garab-taagan yihiin xukuumada oo ay la shaqaynayaan, waxay kale oo ka codsadeen in ardaydani badankoodu yihiin kuwa wadanka ku soo guryo-noqday oo ka shaqeeya, waxayna tilmaameen inay soo barteen aqoon kala duwan oo loo baahan yahay in qaranka looga faa’ideeyo, waxayna farta ku fiiqeen inay diyaar u yihiin farsamo kasta oo aqooneed oo qaranka iyo xukuumada uga baahdaan inay si hufan oo mutadawacnimo ah uga faa’iidayn doonaan.
Xubnahan ardayda ahi waxay madaxweynaha uga warameen in ardayda waxbarashada ugu sii hayaamaysa wadanka Malaysia ay marba marka ka sii dambaysay tiro ahaan sii kordhayaan, waxayna ku ammaaneen wadankaasi inuu ku talaabsaday horumar aan la qiyaasi Karin oo ku dayasho mudan, taasi ay tahay sababta ay waxbarashada tayada leh uga doonanayaan.
Waxayna intaasi ku dareen in ardayda hada jaamacadaha wadanka Malaysia ku sugani ay tiro ahaan ka badan yihiin 3000 oo arday. Waxayna madaxweynaha u soo bandhigeen in looga faa’iidaysto 3000 ku ee ergay ictiraaf raadiyeyaal ah u noqonaya wadankooda hooyo, iyaga oo u soo jeediyay Madaxweynaha in xukuumadu sanad walba soo waydiisato waxbarasho bilaash ah oo wadankaas laga bixiyo, isla-markaana xidhiidh joogto ah lala sameeyo wadanka Malaysia.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu u mahad-celiyay ardayda wax kasoo baratay wadanka Malaysia iyo kuwa hada ku guda jira waxbarashadoodaba, waxaana uu ka gudoomay shahaado ay ardaydu gudoonsiiyeen. Madaxweynuhu waxa uu u diray guud ahaan ardayda Somaliland ee guryahooda hooyo wax ku barta iyo kuwa dalka dibadiisa waxbarashada ugu huleelayba inay dhambaal hambalyo ah munaasibada 18 May darteed, waxaana ku booriyay inay sii wadaan waxbarashadood oo ay dedaalkooda ka midho-dhaliyaan si loo helo qaran ku dhisan aqoonta casriga ah ee dunidu ku talaabsatay.
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa
office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com