Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

M/Weynaha jamhuuryada soomaaliland mr Siilaany Oo Kulan La Yeeshay Ururadii Bulshada ee Ka qeyb qaatay Isu Soo baxii 18 may

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay shirkadaha gaarka ah, ururada bulshada iyo Guddiyadii qaban qaabada munaasibadii labaatan guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland ee 18-kii May.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu si weyn ugu mahad celiyay shacbiweynaha Somaliland oo uu tilmaamay inay si wadaniyad leh oo nabadgelyo ah u soo bandhigeen shucuurtooda wadaniyadeed.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu u mahad naqay ciidamada ammaanka, shirkadaha gaarka ah iyo shacbiweynaha Somaliland ee ku dhaqan daafaha caalamka.
Dhinaca kale, war saxaafadeed uu soo saaray madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayuu ummadda reer Somaliland uga mahad celiyay sidii ay ugu soo baxeen dabaal degii 18-kii May ee 20-guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax banaanida Somaliland. Waxaanu dhambaalka hambalyada ee Madaxweynuhu u dhignaa sidan:-“Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Dhamaan shacbiga reer Somaliland mid yar iyo mid weynba, mid maqan iyo mid joogaba waxaan u dirayaa mahad-naq iyo Boogaadin balaadhan sidii weynayd ee maamuuska iyo midnimada lahayd ee ay uga qayb qaateen una muujiyeen xuskii sannad guurada 20-aad ee 18-May, oo ah maalin inagu wayn.
Waxa aan mar kale idiinka mahad-naqayaa isu soo baxyadii aad ka dhigteen daafaha dunida iyo dalka gudihiisaba, sidoo kale waxa aan mahad-naq balaadhan u dirayaa Ciidamada Qaranka iyo Ciidamada Amniga Somaliland oo door-weyn ka qaatay sugida Amniga iyo nabad-gelyada dalka.
Waxaa iyana xusid mudan Saxaafadda oo ah mid u guntatay sidii ay caalamka ugu gudbin lahaayeen qadiyada gooni isu taaga Jamhuuriyadda Somaliland.
Ugu dambayn, waxaan mar kale idiinka mahad-naqayaa sidii wanaagsanayd ee nabad-gelyada lahayd ee aynu caalamka ugu ban-dhignay sida aynu ugu adagnahay gooni isu taaga Somaliland.”

xuseen xarbi
maantasomaliland.com/hargaysa
office
harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com