Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dagaal sababey dhimasho iyo dhaawac ayaa, mar kale ka dhex qarxey labada beelood ee hore colaadu ugu dhex martey Deegaanka Dharkeyngeeye.

Dagaal sababey dhimasho iyo dhaawac ayaa, mar kale ka dhex qarxey labada beelood ee hore colaadu ugu dhex martey Deegaanka Dharkeyngeeye.

Sida ay hadhwanaagnews u xaqiijiyeen dad goob joog ahi waxa ay sheegeen in tirada dhimashadu ku dhawdahey shan ilaa sagaal inta u dhexeysa halka dhaawacana lagu sheegay ilaa tobaneeyo qof, waxaanu dagaalkani dhacey kadib markii la isku afgaran waayay dhexdhexaadinta labada dhinac u socotey oo ka Yacyacowdey Dhinaca Xukuumada taas, oo ay weerar soo qaadeen mid kamid ah labada beelood ee Colaadaasi hore u dhexmartey,oo saluugay arimaha wada xaajoodka.

Wafti culus oo Xukuumadu hore ugu dirtey dhexdhexaadinta laba beelood oo ay horkacayeen Wasiirka Caafimaadka,Saleebaan Axmed Ciise(Xaglo-Toosiye),Wasiirka Arimaha Bulshada Cali Maxamuud Axmed(Cali-sandule),Wasiirudawlaha Amniga ee Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Muuse


Diiriye, iyo Wasiir Kuxigeenka Cadaalada, ayaa la sheegay,in  soo guryo noqoshadoodu la xidhiidhay khilaaf uu kaga daba tagey Wasiiru-dawlaha Nabadeynta iyo Hurmarinta Gobolada Bari oo Wasiirka Madaxtooyadu ka daba geeyay xubnaha Waiirada dhexdhexaadinta u tagey Laascaanood, waxaanay wararku intaa ku dareen in uu Mudooyinkan dambe ku sugnaa halkaasi arimaha yacyacoodka sababeyna uu qeyb ka ahaa haseyeeshee, wararka kale ee naga soo gaadhaya Deegaanadaasi ayaa sheegaya in ay u baahan yihiin colaada u dhexeysa labadan beelood gurmad culus oo lagu kala dhex galo iyadoo dagaalku u fidayo dhinaca hawdka ee ay beelahaasi wada degaan islamarkaana, lagu baajiyo dhiiga iyo colaada mar kale soo laba kacleysay, taas oo aan wax jawaab ahi kasoo bixin wali dhinaca Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com